Daawo Muuqaal: Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Gaadhay Magaalada Borama + Ujeedada Socdaalkooda

0
752

HARGEISA, (HargeisaPress) — Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Iyo Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Bixi Cabdi Iyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayeen oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo waliba masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa hada gaadhay magaalada Borama ee xarunta gobolka awdal.

 

Waftidan ayaa waxa ay ujeedka socdaalkoodu ahaa sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen degmooyinka hoos yimaada gobolka awdal ee ay abaaruhu saameeyeen iyo waliba sidii ay goob jog uga ahaan lahaayeen Diiwaangalinta codbixiyayaasha oo maaalinta sabtida la filayo inay ka bilaabmato gobolka awdal.

 

Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka

 

 

Sidoo kalena, masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani Iyo Ucid ayaa iyaguna la filayaa in ay maalmaha soo socda ka anba baxaan magaalada Hargeysa, isla markaana ay gaadhan gobolka Awdal madaama ay diiwaangalintii codbixiyayaashu ay ka bilaabmayso maalinta sabtida ee fooda inagu soo haysa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here