Daawo Muuqaal: Guddida Doorashada iyo Saddexda Xisbi Oo Wada Jir Bulshada Farriin Ugu Diray

0
1197

HARGEISA, (HargeisaPress) — Komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ayaa shir jaraa’id wada jir ugu qabtay xarunta komishanka doorashada ee Hargeysa, waxaanay farriin u direen bulshada Somaliland gaar ahaana, bulshada reer Togdheer oo inta bishan lagu gudo jiro diwaangalinta codbixiyuhu ka bilaami doonto.

 

 

 

Wakiillada saddexda xisbi qaran oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa guddida ku ammaanay dadaal badan oo ay galiyeen qabsoomidda diwaangalinta hadda bilaamaysa, waxaanay bulshada ugu baaqeen inay is diwaangaliyaan, maadaama diwaangalintu tahay halka ay masiirkooda ku bedeli lahaayeen, islamarkaana doorashada kaga qayb gali lahayd bulshadu.

 

 

Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka

 

 

Wakiillada saddexda xisbi qaran oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa guddida ku ammaanay dadaal badan oo ay galiyeen qabsoomidda diwaangalinta hadda bilaamaysa, waxaanay bulshada ugu baaqeen inay is diwaangaliyaan, maadaama diwaangalintu tahay halka ay masiirkooda ku bedeli lahaayeen, islamarkaana doorashada kaga qayb gali lahayd bulshadu.

 

Afhayeenka guddiga doorashada Siciid Cali Muuse, oo ugu horayn ka hadlay halkaas ayaa sheegay in guddiga doorashadu wadaan barnaamij ah in meelaha xuduudaha ee dalka, gaar ahaan xuduudka Itoobiya inay wakhti siiyaan dadka isdiiwaangelinaya. Siciid Cali Muuse, ayaa ugu baaqay bulshada gobalka Togdheer inay u soo baxaan wakhtiga ay socoto isdiiwaangelintu, waxaanu sheegay ina wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso xisbiyada iyo guddiga doorashada.

 

Masuuliyiin ka socotay saddexda xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo KULMIYE oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay talaabada ay guddigu doorashadu wadaan ee ah diyaarinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Waxaanay bulshada gobalka Togdheer ugu baaqeen inay u soo baxaan diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here