Hargeysa (HargeisaPress) — Waxa maalmihii u danbeeyey gudaha magaalada hargeysa kusoo badanaya xayawaanka loo yaqaano Eyda kuwaas oo fara ba’an ku haya bulshada.
Waxaana markaad dhex marayso suuqa wayn ee magaalada hargeysa ay indhahaagu qabanayaan xayawaanka halista ah ee Eyda oo u socda koox koox,kuwaasi oo ay mararka qaar is dhex qaadayaan bulshadii caasimadda hargeysa ku noolayd,xayawaanka Eyda iyo xoolihii ku dhex noolaa magaalada hargeysa.
https://youtu.be/eYfwQlg8omM
Xayawaanka ayaa waxa habeenkii hoy u ah goobaha sariibadaha hilibka ee haweenku hilibka xoolaha ku iibiyaan,bacadlayaasha iyo badiba goobaha ganacsi ee ku yaala suuqyada magaalada hargeysa.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP