Cuntada iyo Daawooyinka Dalka Soo Gala ayaa Shidaalka uga Baahi badan Laabka W.Q Kaptanka

0
998
Waxaa magaalada Hargeisa ka baxay wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Md Ahmed M. Siilaanyo oo ka kooban xubno wasiiro ah ay kana mid ahaayeen wasiirada Arimaha gudaha,Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka iyo Warfaafinta, Gaadiidka uu waftigani watay waxa lagu qiyaasay ilaa 60 gaadhi oo ay ku jiraan dhowr gaadhi oo tikniko ah, Gaadiidkan ay wateen waftiga gaadhiga ugu badan waxa saarna laba qof, Wasiir kasta wuxu saaran yahay kalidii gaadhiiisa  laba gaadhi oo kalena wuu wataa, waxaad dareemi kartaa shidaalka kaliya ee gaadiidkan ku baxay inta u leeg yahay,
Lacagta ku baxday Safarkan Madaxweynuhu ku tagay Barbara marka la isku wada daro ee lasoo koobo shidaalkii iyo mustafayntii reer Barbara iyo qarashkii ku baxay safarkan isla markaana lagu daro xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo si toos ah looga daawanayay Tvyada dalka lacagta ku baxday waxay kor u dhaaftay $150.000 (boqol iyo konton kun oo dollar)  waana lacag ka badan lacagtii lagu soo iibiyey laabka shidaalka lagu baadhayo ee xadhiga laga jarayey,waxaa ku filaa maareeyaha haamaha shidaalka oo isagu xadhiga ka jara mishiinkan yar waxaana dalka u badbaadi  lahayd lacag badan oo wax kale loogu soo iibiyo lakiin hadii waddo hal KM ah oo lagu sameeyay $10.000 xadhiga lagaga jaro xaflad $30.000 ay ku baxday waxay noqonaysaa i arkaay iyo imaqlaay wa dhaqanka xukuumada Silaanyo oo hal ku dheggeedu yahay waa markii u horaysay Somaliland.
Abdiqani Salaf kaptanka
Abdiqani Salaf kaptanka
Dalku waxa uu uga baahi badnaa laabka shidaalka in laga soo horaysiiyo oo isagana la keeno laabka lagu baadho tayada cuntada dalka la keeno iyo daawooyinka sida bilaa taxadirka ah ay u keenan ganacsato aan ilahay iyo umadiisa toona ka xishoonayn oo lacag faro badan uun raadinaaya, Marka tayada  Baadhista Cuntada iyo dawooyinka meel lasaaro ayay ku haboonayd in shidaalka loo soo iibiyo qalab lagu eego tayadiisa sababtoo ah nafta bani aadamka ayaa ka horaysa kana mudan gaadiidka markan fikir kayga ii gaarka ah ku hadlaayo, Waayo( Dhacamo Geel Siday Ukala Sareeyan ayaa loo kala guraa).
Allaah Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here