Culuma’udiinka iyo Odayaasha DDS oo Bayaan Ka Soo Saaray Duulaanka Al-Shabaab

0
701

Jigjiga (Hargeisa Press) – Culuma’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahka iyo Waxgaradka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa si wad-jir ah u cambaareeyay weeraradii ay Al-Shabaab maalmihi la soo dhaafay ku qaadday deegaanno ka tirsan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga Hay’addaha aan Dowliga aheyn ee loo soo gaabiyo SONSAC iyo Daladda Aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee DADS, ayaa lagu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku qaadeen fadhiisamo ay ciidanka Liyuu Booliska ku leeyihiin xadka.

Sidoo kale, qoraal saxaafadeed kaas la mid ah waxaa xalay soo saaray Golaha Nabadda iyo Midnimada ee daagaanka iyo Culumaa’uddiinka.

Bayaanka, ayaa lagu cambaareeyay dagaalka ay Shabaab ka geysteen deegaannada xadka, halka ay ku bogaadiyeen howlgallada ay ciidamada Liyuu Boolis kaga hortageen Al-Shabaab.

Waxay ugu baaqeen shacabka dowlad deegaanka in ay badiyaan feejignaanta ku aadan falalka lagu qalqal gelinayo amniga deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here