CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 8 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1067

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

  1. Cabdulqaadir Jirde iyo Cabdi Haybe:

Marka kale waxa xisbiga Waddani ku biiray siyaasiyiin miisaan culus sidda wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland mudane Cabdi Haybe iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde. Sida la sheegayna Guddoomiye Cirro iyo siyaasiintan ayaa si qarsoodi ah ugu heshiiyay in guddoomiyenimada xisbiga waddani lagu wareejiya xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

 

Xantan oo in muddo ah suuqa iyo sayladda iibka siyaasadda ku jirtay ayaa si rasmiya usoo shaac baxday, ka dib markii dhawaan ay xisbiga waddani ku soo biireen kooxdii barakayaasha siyaasadda ee Xirsi Cali X. Xasan uu horboodaha u ahaa. Balse mar danbe waxa soo baxday in ayna xil-wareejintu ahayn mid sax ah ee ahay tahay mid kaliya dadka maankooda lagu khaldayo oo looga jeedo dan siyaasadeed iyo hanashada codka dadka farabadan ee ku dhaqan degmadda Axmed Dhagax Hargeysa iyo gobalka Hawd. Tani ayaa ah mid inaga tusaysa Goldaloolada siyaasadeed ee xisbiga iyo guddoomiye Cirro oo laga yaabo in uu jalaafo qaroon la sugi doono Cabdiqaadir Jirde. Qodobkan ku saabsan wareejinta guddoomiyaha waxaan ku arki doona isaga oo faahfaahsan qaybaha danbe.

 

  1. Kooxdii inqilaabka dawladda & barakacayaashii siyaasadda:

Sidoo kale waxa dhawaan ku biiray xisbiga kala jabay ee Waddani, kooxdii kal hore sidda inqilaabka ah uga yaac-day dawladdii ay xilalka waawayn ka hayeen sanadkii hore. Kooxdan oo uu hoggaaminaayay Ex-wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxay si sahlan u kasbadeen taageerada iyo dhagaha xisbiga Waddani oo ay  hal martay u qaateen in guushii doorashada kaltanka madaxtooyo ee qabsoomi doona 2017 ka ay gacanta ku dhigeen.

 

Tani waa laab lakac siyaasadeed oo khiyaali iyo is tus male awaal hummaag qarsoon la huwiyay ku dhisan. Taasi oo  huwanta musdanbeedka reeraysan iyo wiilasha idman ee xisbiga Waddani aad uga qoslisay. Si kastaba huwanta hagardaamada iyo casabada siyaasadda isku mahadisay ee xisbiga Waddani, waxay maskax garaadka galiyeen in Ex -wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan uu gacanta midig usoo galiyay taageerada bulshada  degan Burco ilaa Ceerigaabo, Guumeys ilaa Karin, Xiis ilaa Berbera iyo hawdka Burco, Balidhiig ilaa qaybo ka mid ah dhulka Somalida ethiopia oo uu ka soo jeedo Ex -wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Runtii qofka nin badan dhuuxay dheecaanka siyaasadda xisbiga waddani in badan lama yaabi doono sheegmadan qormada, waayo waxa guddaha xisbiga Waddani ka  jira dhaqan siyaasadeed sal dhigiisu yahay isu xulafaysi xigtanimo. Sidaa darteed ayuu male awaalkooda khiyaaliga ahi siiyay in Xirsi gacanta ku hayo bulshada balaadhan ee uu ka dhashay.

 

Toloow Xirsi nin qaran baan ku ogaaye ma ku faraxsan yahay qeexida loo sameeyay markii uu waddani tagay. Taasi oo ah hoggaamiye qol ku xidhay qabiilkiisa, oo hadda soo xero-galinaya, ugana faro dhuudhuuban xataa madaxwayne Silaanyo iyo dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaankan baaxada leh iyo bulshaddiisa balaadhan. Waana mida looga fadilay ragii la socday ee Biixi Yoonis, Geeddoole iyo Caydiid.

 

 

Xaqiiqdii ma diidani in walaalkay    Xirsi Cali Xaaji Xasan taageerro balaadhan ku yeesho guud ahaan dalka, gaar ahaana bulshada uu ka soo jeedo dhalasho iyo deegaan ahaanba. Balse sheegmada xisbiga Waddani ayaa gaf ku ah bulshada aan sare ku xusay. Waayo maaha in buudhi madhan buuxisa, maaha bulsho qol ugu xidhan nin iyo dan shaqsi ee waa ummaddan magac iyo milgo wayn oo hoggaamineed ku leh dalkooda iyo dadkooda tan iyo 1884-kii.

 

 

  1. Naqaysiga Tibaaxdii Boobe Yusuf Ducaale:

 

Xili dad badani xiiso madhan u hayeen xisbiga Waddani ayuu siyaasiga marna qoraaga caanka ah aqoonyahan Boobe Yusuf Ducaale oo ahaa xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani iska casilay xilkii uu xisbiga ka hayay ku beegnaan bishii march 2016-kii.

 

Hadaba, waa war nin wayn, kaalintii waxgarad & aqoonyahan ku beegnaaye, siyaasigu warka innoo caddee oo innoo iftiimi haylaha maryaha loo xidhay xisbiga Waddani. Isagoo ku soo koobbay xigmadan oo ka kooban saddex sheegmo oo kala ah:

  • Xurmo madhan.
  • Xafiisyo madhan.
  • Xilal madhan.

 

  1. Sharci jabinta Qaab-dhismeedka xisbiga Waddani:

 

Qaab-dhismeedka maanta ee xisbiga Waddani waa mid ka horjeedda sharciga dalka, dastuurka qaranka iyo Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr..14/2011”. Kaasi oo jidaynaya hanaanka iyo nidaamka samaysanka ururada iyo asxaabta siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed Qodobka 25aad ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr..14/2011”. oo diirada saaraya tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka, faqradiisa 4 aad ayaa ka hadlaysa qaab-dhismeedka asxaabta iyo ururada siyaasadda dalka, waxa lagu qaban doono shir waynaha golaha dhexe iyo iwm.  Wuxuuna yidhi:

  • Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya:
  1. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta
  2. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
  3. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.

Akhriste bal ku dhereri waxa hadda ka socda guddaha xisbiga waddani, isha caafimaad qabta waxay arkaysa in sharciyaddii dalka lagu daneystay oo waliba kii ilaalin lahaa ku tuntay. Waayo wax kasta oo ka horjeedda dastuurka qaranka iyo xeerarka ka dheegmay waa waxba kama jiraan. Waxaana si cad laalista arrinta u tilmaamaya, isla Qodobka 27aad ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr..14/2011” oo ka hadlaya Laalista wax kasta oo ka soo horjeedda hanaanka loo jideeyay dhismaha Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba, faqrada 2 aad ee Qodobka 27 aad ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr..14/2011” ayaa u dhigan sidatan:

  • Xeer kasta oo ka soo horjeeda Xeerkani waa waxba kama jiraan (null and void).

Guntii iyo gunnaanadkii diyaarinta maanta aan idhaahdo waxba kama jiraan nidaamka xisbigu hadda u dhismay ee kala ah:

  • Hoggaamiyaha xisbiga Waddani.
  • Guddoomiyaha xisbiga Waddani.
  • Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga Waddani.
  • Ku xigeeno iyo Xoghaye guud.

 

La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here