Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadii Hargeysa Stadium iyo Xaalada Dadkii Ku Dhaawacmay

0
813

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaarada caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo uu weheliyo agaasimaha cisbitaalaka guud ee hargaysa ayaa ka hadlay xaalada dadkii ku dhaawacmay rabshadihii garoonka kubadda cagta ee hargaysa.

 

Wasiirka oo shir saxaafadeed ku qabtay cisbitaalka hargaysa ayaa xaqiijiyay in aanay jirin cid ku dhimatay rabashadahaasi balse ay ku dhaawacmeen dad isugu jira shacab iyo ciidamada police,ka oo waqtigaasi ku jiray sidii ay u sugi lahaayeen amniga garoonka.

 

Waxa uu wasiirku sheegay in ay tahay tirada ku dhaawacantay 24 qof kuwaasoo 15 ka mid ahi ay yihiin ciidamada police,ka, halka 9 ruux yihiin shacab.

 

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ciidamadu ay si  taxadir leh ula tacaaleen xaaladii ka dhalatay natiijada ciyaartii dhex maraysay gobolada hawd iyo daadmadheedh,iyagoo isticmaalayay gaasta dadka kaga ilmaysiisa,isagoo wasiirku ku bogaadiyay ciidamada police,ka iyo madaxdooda.

 

Geesta kalena wasiirka caafinaadku wuxuu ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira gobolada bariga somaliland isagoo xusay in wasaaradiisu ay qayb gargaar caafimaad ah kaga qayb qaadanayaan iyagoo heegan galiyay shaqaale caafimaad fuliya gargaarka caafimaad ee loo baahanyahay.

 

Wasiirku wuxuu baaq adag u diray qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo ka codsaday in si buuxda oo aan kala hadh lahayn looga qayb qaato gurmadka dadka ay abaartu ku habsatay ee gobolada bari ee somaliland.gabogabdii wasiirka caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglotoosiye) mar kale ka codsaday qaybaha bulshada Somaliland gudo iyo dibadba in lag qayb qaato gurmadka abaaraha gobolada bari.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY