CONIFA Oo Aqbalay In 2020 Somaliland Lagu Qabto Koobka Dalalka Aan La Aqoonsanayn

0
727

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xidhiidhka kubbadda Cagta wadamadda aan la aqoonsanayn ee CONIFA ayaa aqbalay in dalkan jamhuuriyadda Somaliland sanadka soo socda ee 2020 lagu qabto tartanka kubbadda cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn.

Kadib markii ururkaasi uu hore ugu soo diray Somaliland guddi xaqiiqo raadin ahayd oo dalka yimid sanadkii hore.

Waxaanay xidhiidhka Kubbadda cagta ee CONIFA markii labaad todobaadkan Somaliland u soo direen xubno u yimid sidii ay tababari lahaayeen cayaartooyga iyo  in ay qiimeeyaan garoomadda Kubbadda cagta ee magaalooyinka Somaliland in lagu qaban karo cayaarahaasi.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, ooo ay wehelinayeen xildhibaan Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco, xoghayaha wakaaladda qurbe jooga Somaliland.

Xasan Waraabe Cade, oo ka mida dadka cayaaraha u dhaq-dhaqaaqa  iyo xubno kaloo ka tirsan bahda cayaaraha Somaliland  ayaa  weftigaasi oo ka socday xidhiidhka CONIFA ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa.

Weftigaasi oo ka kooban laba xubnood ayaa  Somaliland u yimid sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tababaro ay siinayaan ciyaartooyga reer Somaliland, isla markaana tartanka koobka wadamadda aan la aqoonsanayn loogu qaban lahaa Somaliland.

Wasiir Boos Mire, wasiirka cayaaraha Somaliland  oo madaarka diyaaradaha ee ay weftiga CONIFA ku soo dhawaynayeen warbaahinta kula hadlay ayaa tilmaamay in ay Somaliland ay guul weyn u tahay in lagu qabto sanadka 2020-ka tartanka koobka wadamadda aan la aqoonsanayn.

Isagoo xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin in weftigani ay dalka yimaadaan, “Farxad weyn ayay noo tahay in ay Hargaysa noogu yimaadaan weftigan ka socda CONIFA. Labadan nin mid kood waa kooj sare, midka kale-na waa fiisatarabiis. Labadaba waan u baahnayn. Ta kale waa u doodeyaal  (advocates), inaga iyo cayaaraheenaba inoo doodi doona.

Waxa kaloo aan filaynaa in qolo kale oo iyag-na ka socda FA cup ka socdaa ay inoo yimaadaan, inta ka horaysa qabashadda koobka. Aad baan u soo dhawaynaynaa.

Waxaanan soo marin doonaa facilities keena cayaaraha oo dhan, magaalooyinkeenana waan soo wada tusi doonaa”ayuu yidhi Boose Mire.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay  xildhibaan Mubaariga Bidhi oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta ciyaaraha Somaliland iyo sidoo kale Xasan Waraabe Cade iyo Faadumo Cali Madar, oo iyagna si weyn uga  qayb qaatay in koobka kubbadda cagta dalalka aan la aqoonsanayn lagu qabto Somaliland sanadka danbe.

Boos Mirre, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga mahad naqayaa xildhibaan Mubaarig Bidhi oo isagu laf-dhabarta ciyaaraha Somaliland ah, Axmed oo isna aad noogala shaqaynayaayay iyo Cali iyo Xasan Waraabe Cade, iyo Faadumo Madar, oo aad uga soo shaqaysay”.

Geesta kale waxaa isna halkaas  ka hadlay   xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxaanu sheegay in labada xubnood ee ka socda CONIFA ay wax badan ka caawin doonaa qabashadda tartanka ciyaaraha dalalka aana la aqoonsayn ee Somaliland lagu qaban doono sanadka 2020-ka.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland waxay sanadka 2020-ka marti gelin doontaa koobka kubbadda cagta ee wadamadda aan la ictiraafsanayn, labadan xubnood ee ka socda CONIFA waxay inaga caawin doonaan dhinaca tababaradda.

Aad baan ugu farxay in ay inoo yimaadaan, waanan u mahad celinayaa cidii ka shaqaysay oo ay ugu horaysayso xildhibaan Faadumo Cali Madar”.

Waxa kaloo iyagna halkaas hadalo ka jeediyay  Xasan Waraabe Cade, oo ka tirsan bahda ciyaaraha Somaliland iyo guddoomiyaha wakaaladda qurbe jooga Somaliland  oo sheegay in ay Somaliland guul weyn u tahay in sanadka 2020-ka lagu qabto tartanka cayaaraha dalalka aan la aqoonsanayn.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here