Ciidanka Dab-Demiska Burco Oo Bad-baadiyay Ilmo Yar

0
923

Burco (Hargeisa Press):Ciidanka Dab-demiska ee magaaladda Burco ayaa la sheegay in ay xalay soo bad-baadiyeen Ilmo yar oo Suuli ama Musqul ku dhacay.

Ilmahaasi yar ayaa markii uu Suuliga ku dhacay waxay qoyskiisu ku wargeliyeen ciidanka dab-demiska in ay u soo gurmadaan, iyadoo ay ciidankuna baaqaasi si dhakhso ah uga soo jawaabeen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Cabdifataax Maxamed Liibaan, oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dab-demiska ee magaaladda Burco.

Waxaanu  sheegay in hawl-galka Ilmahaasi yar lagu soo bad-baadiyay ay ka qayb-qaateen xubno ka tirsan ciidanka dab-demiska ee degmadaasi.

Waxaanu intaas ku daray sarkaalkaasi in ciidankaasi u gurmadaan dhibaatooyinka ka dhaca degmadaas, sida dab-ka iyo wixii gurmad ah ee  hadba looga baahdo ciidankaasi.

Geesta kale masuul ka tirsan cusbitaalka guud ee magaaladda Burco ayaa isna sheegay in xaaladda ilamahaas yar ee Masqusha ku dhacay ay hadda wanaagsan tahay.

Dhinaca kale, qaar ka mida qoyska ilmahaasi yar ee Masqusha ku dhacay, ayaa u mahad celiyay ciidanka dab-demiska qaranka ee magaaladda Burco, sida ay u soo badbaadiyeen ilmahaasi yar.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here