Muqdisho (Hargeisa Press) โ Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmana Abuukar Dubbe oo shir jaraaโid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu markale eedayn u jeediyay waddamada Kenya iyo Jabuuti.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku eedeeyey inay faragelin ku sameeyeen goโaankii ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.
Sidoo kale, dowladda Jabuuti ayaa beenisay eedda ka timid Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa shalay isna sheegay inaanay Jabuuti u qalmin hadalka ka soo baxay Soomaaliya.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmana Abuukar Dubbe ayaa ku gacansaydhay qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan qodobka ku saabsan in ay Soomaaliya Midowga Afrika u soo diraan ergay ka caawiya a madaxdSoomaaliya in ay wada hadlaan.
Waxaanu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday Guddoomiyaha Midowga Afrika Flex Tshisekedi in uu fududeeyo wadahadallada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay diidan yihiin hadalkii Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Afrika ee ku saabsanaa cambaaraynta goโaanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay inaanay jirin hayโadd dibadeed oo cambaarayn karta goโaanka baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu sheegay Wasiirku inay ka soo horjeedaan qodobka ku saabsan la socodka AMISOM ee dhaqdhaqaaqa ciidanka Soomaaliya.