Ciidamadii ku dagaalamayay magaalada Garowe oo lakala qaaday

0
519

Garoowe,(HargeisaPress)–Waxaa saakay oo arbaco ah lagu guulaystay in lakala qaado ciidamadii ku dagaalamayay magaalada Garowe, si loo fuliyo awaamiirtii kasoo baxday isimada gobolka Nugaal.

Tallaabadan ayaa dhalisay in xaaladda magaalada Garowe ay saakay degen tahay, kaddib dagaal xalay mar kale dib uga qarxay Garowe, kaasoo socday illaa waaberigii saakay.

Lama oga khasaarihii ka dhashay dagaalka Garowe, inkastoo isbitaalada la geeyay dhaawacyo.

Waxaa dib u bilowday isku socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo weli ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro dhinacyada dirirsan.

Dagaalkii shalay ka dhacay Garowe ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 ruux. Waana dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Garowe, tan iyo dhismihii Puntland kaddib.

Isimada gobolka Nugaal iyo senatorada aqalka sare ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si heshiis looga gaaro khilaaafka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here