Shaqaalaha Komishanka Xakameynta HIV/AIDS-ka oo Tabobar Loo Qabtay

0
1129

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa kulan ku saabsan habraacyada hay’addaas u qabatay shaqaalaha hay’adda xakameynta HIV/AIDS ee Somaliland.

Waxa kulankaas goobjoog ka ahaa guddoomiyaha komishanka xakameynta AIDS iyo masuuliyiin ka tirsan komishankaas, guddoomiyaha komishanka maamulka wanaaga, masuuliyiin ka socday hay’adda shaqaalaha dawladda iyo xubno kale oo lagu marti qaaday kulankaas.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay agaasimaha tabobarada ee komishanka xakameynta HIV/AIDS Maxamed Jaamac, oo faahfaahin ka bixiyey tabobarkaas isaga oo sheegay in uu ku saabsan yahay lix iyo tobanka habraac ee ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ugu talo gashay maamulka iyo maareynta shaqaalaha dawladda.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga Dayib Aadan Xaaji Cali iyo sarkaal ka socday hay’adda shaqaalaha dawladda oo tilmaamay muhiimadda uu leeyahay habraaca ay diyaarisay hay’adda shaqaaluhu, iyaga oo intaas ku daray in layskula xisaabtami doono habraacyaadaas, waxayna bogaadiyeen hawsha ballaadhan ee komishanka xakameynta AIDS-ku qaranka u hayo.

Agaasimeyaal ka tirsan komishanka xakameynta AIDS-ka oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ayna ahayn markii ugu horeysay ee tabobar noocaas ah halkaas lagu qabto, iyaga oo xubnihii tabobarkaa qaadanayey kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan isla markaana ku dabaqaan shaqooyinkooda.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha komishinka xakameynta HIV/AIDS, Cabdishakuur Ismaaciil Muumin, oo halkaas ka jeediyey hadalo isugu jira dardaaran iyo dhiirigelin uu u jeediyey shaqaalaha ka hawlgala komishankaas isla markaan ku bogaadiyey shaqada ay qaranka u hayaan.

LEAVE A REPLY