Buug loo bixiyey HOOBAL oo lagu uruuriyey qaar ka mid ah Heesihii hore oo xalay lagu soo bandhigay Hargeysa +DAAWO SAWIRRO

0
1645

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xaflad daah-fur ah ayaa xalay magaalada Hargeysa loogu sameeyey buug loo bixiyey HOOBAL oo lagu uruuiyey heesihii hore ee ay qaadeen qaar ka mid ah fannaaniintii waa weynayd ee Soomaaliyeed.

Buuggan HOOBAL oo uu qoray Mawliid Aadan Biixi oo ah nin dhalinyaro, ayaa sheegay in buuggan uu go’aansaday inuu qora 2009kii, “Ilaahay wuxuu suurta geliyey in buuggan aan qoro oo aan uruuriyo saddexdii sano u danbeeyey. Wixii igu dhaliyey inaan qoraana waxay ahayd in aan wax uruuriyo.” Ayuu Mawliid Aada Biixi.

BUUG 2

Qoraaga buuggu wuxuu sheegay in buuggan uu uga dan leeyahay weelaynta heesaha ummada Soomaaliyeed. “Inaan suugaantan aan qoraa waxa igu kallifa, waa markii aan waayay meel aan marjac aan u noqdo. Waxa kale oo igu kallifay markii aan arkay faannaaniintii waa weyn oo qaarna dhinteen kuwo kale ku daba jiraan una baahan yihiin in waxoodii la qoro, ayaan buuggan ku dhaqaaqay in aan qoro.” Ayuu yidhi Mawliid.

Waxa kale oo uu Mawliid sheegay in buuggan HOOBAAL yahay daabacaddii koobaad, isla markaana uu xanbaarsan yahay heesihii ay qaadeen shanta fannaan ee kala ah Maxamed Saleebaan Tubeec, Magool, Xasan Aadan samatar, Axmed Gacayte iyo Khadra Daahir Cige. Isagoo tillmaamay in buuggu yeelan doono dhawr daanacadood oo iska soo daba bixi doona.

BUUG 5

Wuxuu Mawliid sheegay in heesaha uu ka qoray dhegaysi uuna qaarkood lixdan jeer dhegaysigooda ku celceliyey. “Hees kasta oo aad istidhaahdo qor waxa hor taalla inaad hesho abwaankii sameeyey, fannaankii qaaday, mullaxankii laxanka saaray, waa wax u baahan in tacab la geliyo qoristooda.” Ayuu yidhi Mawliid oo intaa raaciyey, “Laxanku waa waxa dhadhanka u sameeya heesaha, waxa laxannadaa laguugu sheegayaa in dad kala duwani sheegeen. Dhib badan ayaa kaa qabsanaya in laguu sheego cidda saxda ah ee laxannada kala leh.”

Mawliid wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadaal badan la geliyo uruurinta tacabka halabuurka ee lumaya, isagoo sheegay in qoraalku yahay waxa keliya ee dhigaalka ka dhigaya tacabka abwaannada iyo cid kasta oo bulshada u soo gudbisey wax wax tar leh.

BUUG4

Abwaan Yuusuf Cisaan Cabdille oo halkaa ka hadlay, ayaa aad ugu bogaadiyey qoraa buugga tacabka qoraalka ee uu sameeyey. “Tacabka Mawdiid waa mid meel mar oo taariikhiya.” ayuu yidhi Yuusuf Shaacir. Waxa kale oo uu xusay in mawduuca buggan laga qoray aan hore loogu dadaalin. “Mawduucaa uu Mawliid wax ka qoray waa mawduuc dhib badan. Waxa aan mawliid kula talin lahaa buuggan meel mari. Waana aan ku hanbalyaynaa buugga uu qoray isla markaana waan ku caawin doonaa wixii aan hayo.” Ayuu yidhi Yuusuf Shaacir.

Abwaan Yuusuf wuxuu sheegay in qoraalku dhib badan yahay isla markaana uu u bahan yahay dadaal iyo tacab badan, isagoo sheegay in loo baahan yahay gacansiinta dadka qoraallada iyo cilmibaadhista ku hawlan. Waxaana uu dadkii ka soo qayb galay xafladda u soo jeediyey inay buugga iibsan, Mawliid-na ay ku taageeraan wixii kale ee xog ah ee ay hayaan. Wuxuu sheegay in la galay waqtigii qoraalka, lagana baxayo xilligii hadalka. Waxa kale oo uu abwaanku sheegay in aan qoraa la wada noqon karin balse akhriste la wada noqon.

11350868_982368028464202_3206715203132611918_n

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Mawliid is barteen siddeed sano ka hor, isagoo ku sifeeyey Mawliid nin kaalin muuqda bulshada kaga jira oo tacab badan geliyey uruurinta dhaqanka iyo suugaanta. “Waxa aan Mawliid ku hanbalyaynaa buuggan uu qoray, oo wax badan laga heli doono, muran badan dawayn doonto.” Ayuu Boobe.

BUUG2

Wuxuu sheegay inay mawliid ka mid yahay dhalinyaro badan oo xilligan dadka u kacay oo qoraallo iyo suugaan ba ku hawlan.

Waxa insa halkaa ka hadlay Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo hambalyo ballaadhan u jeediyey qoraaga buugga HOOBAL Mawliid Aadan Biixi, “Runtii waxa aan hanbalyo mug leh u jeedinayaa qoraag oo runtii sameeyey hawl wax tar leh. Waa buug xog badan oo ku saabsan heesihii iyo fannaaniintii hore ee Soomaaliyeed xanbaarsan. Waxa loo baahan yahay in qoraaga la dhiiri geliyo oo laga iibsado buuggan uu qoray oo uu waqti badan ku bixiyey.”

11329817_982366558464349_4279939657561591196_n11329817_982366558464349_4279939657561591196_n

Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax oo iyana halkaa ka hadashay, ayaa qoraa sheegtay in Mawliid Aadan uu buugga halgan badan u galay, isla markaana uu yahay buug heeso badan oo qaaliya xanbaarsan.

Maxamuud Haaruun oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in buugga Hoobal xanbaarsan xog badan oo muhiim oo in badan la raadiyey, isagoo qoraa buuga ku sifeeyey qof dadaal muuhiim ah sameeyey, isla markaana bulshada u soo bandhigay buug loo baahnaa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here