Burburka Heshiiska, Kulankii Saleebaan Iyo Siilaanyo, Cadhada saylici, Tegista G.Guurtida Iyo Imaatinka Weftiga Caalamka

0
1026

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la filayaa inuu maanta u baxo safar dibada ah, iyadoo dhanka kalena ay maanta dalka imanayaan wefti ka socda qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera dimoqraadiyada iyo doorashooyinka, xilli uu dib u oogsaday khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay mudda kordhinta iyo ansixin la,aanta heshiiskii ay gaadheen xisbiyada siyaasada iyo xukuumaddu.

Gudoomiyaha Guurtida

Warbaahinta qaar ayaa faafiyay warar sheegay in shalay madaxweyne Siilaanyo kulan la yeeshay gudoomiyaha guurtida, isla markaana ay ka wada hadleen khilaafka ka taagan mudda kordhinta iyo heshiiska ay xukuumaddu la gashay xisbiyada. inkastoo warkaa la faafiyay, haddana, may sheegin faahfaahin intaa dhaafsiisan. Iyadoo  gudoomiyaha guurtiduna ayaa la sheegay inuu maanta dalka ka dhoofayo, waqti aanay cadayn in madaxweynaha iyo gudoomiyuhu ay is faham ka gaadheen arrinta, balse loo badinayo inay isla qaateen in lagu socdo mudda kordhintii guurtida, meeshana laga saaro heshiiska xisbiyada iyo xukuumadda, oo durba isla xisbiga Kulmiye uu dib uga gurtay, sheegayna in aanuu ahayn sharci ee sharcigu yahay in lagu socdo go,aanka guurtida.

Madaxweyne xigeenka oo hormood u ahaa ergaddii xukuumadda iyo Kulmiye ee heshiiska la galay mucaaridka ayaa isna illo kala duwani u sheegeen Ogaal, inuu aad uga cadhaysan yahay in la geliyo wax aan la fulinayn, isla markaana uu khilaaf arrintaa la xidhiidhaa ka dhex bilaabmay  madaxweynaha. Dhanka kalena wefti ka socda beesha caalamka oo ka xun burburka heshiiskii la gaadhay oo ay hore u soo dhaweeyeen, ayaa la filayaa inuu maanta yimaado si uu wadahadal ula yeesho dhinacyada siyaasadda, isla markaana lagu waddaa inuu madaxweyne Siilaanyo cadaadis ku saaro hirgelinta heshiiska.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhinacyadaasi.

Ogaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here