Inaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Tacsi: Geerida Saddexdii Geesi

0
925

iyada oo Geeridu ay Tahay mid sugaysa Noole Kasta Oo Dunidan Guudkeeda jooga, Qof kastana uu Maalin Maalmaha ka mid ah uu Xabaal geli doono, ayaa Waxaan Tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Guud ahaan Ummada Reer Somaliland ee ay Maanta ka geeriyoodeen Sadex Geesi Oo iyaga oo Shaqo maalmeedkooda ku jiray uu shilku ku haleelay Jidka Isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, muwaadiniintaas oo kala ahaa Allah ha u Naxariistee Marxuum Weli Daauud Cigaal oo ka mid ahaa Madaxda Wasaarada Maaliyada iyo Marxuum Maxamed Daauud oo ahaa Wariye ka tirsan Telefishinka HCTV iyo Halyeey Muuse Cali Ducaale oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee Geesiyaasha ah.

Saddexdaas Muwaadin Waxay ahaayeen Masuuliyiin Hawlkar ah oo mid kastaa isaga oo Shaqadiisa si Fiican u gudanaya uu Wedku Haleelay.

Allaha Raxmaanka ah Waxaan uga Baryayaa inuu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Ehelada iyo Dhamaan Qaranka Somaliland ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY