Dagaal Maanta Buq-dharkayn Ku Dhexmaray Shacabka iyo Kooxaha Huwanta

0
1661

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in maanta uu dagaal ku dhexmaray kooxaha Huwanta, iyo bulshadda degaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool.

Waxaana la sheegay in dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland ay dhirbaaxo kulul iyo khasaare aad u weyn gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada.

Sida lagu sheegay war ay dagaalka maanta ka soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo war ka soo saartay dagaalka maanta waxa kaloo lagu sheegay in ciidamada Qaranku ay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay.

Warkaasina waxaa uu u dhignaa sidan “Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool, kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka dagaalanta Bariga magaalada Laascaanood iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya.

Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul”.

“Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay.

Waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah” ayaa lagu yidhi warka dagaalka maanta ee Buq-dharkayn ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here