Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Dastuurka oo Xilka La Wareegay

0
480

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka cusub ee wasaaradda Dastuurka, iyo Xidhiidhka goleyaasha Somaliland C/naasir Buuni, ayaa shalay xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.


Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xil wareejinta wasiirka Dastuurka Somaliland waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, agaasimaha guud ee wasaradda Dastuurka, xildhibaano, iyo marti sharaf kale.


Wasiirkii hore ee wasaaradda Dastuurka, iyo Xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, haatana loo magacaabay wasiirka Diinta iyo awqaafta, ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub, una rejeeyay inuu si hufan u gutto saqada qaranka.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sharaxay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka wasaaradda Dastuurka hayay, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay in bulshadda, iyo dalkoo dhan ba lagu faafiyay barashadda dastuurka iyo waddaniyada.


Wasiirka ayaa u mahad celiyay cid kastoo tallo, tusaalayn, iyo toosin ba kagala qayb qaadatay shaqadda wasaaradda mudadii uu xilka hayay, iyo sidoo kale shaqaale weynaha wasaaradda Dastuurka sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen.

“Waxaan u mahad naqayaa dhammaan shaqaalihii wasaaradda Dastuurka ee sida wanaagsan iila shaqeeyey” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka cusub ee wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta JSL.

Sidoo kale Maxamed Xaaji Aadan, ayaa si balaadhan u bogaadiyay una amaanay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland ee goboladda iyo degmooyinka dalka ku kala nool.

Waxaanu sheegay wasiirku in qaybaha kala duwan ee bulshadu ay si hagar la’aan ah ugala shaqeeyeen faafinta, iyo barista dadweynaha ee shuruucda iyo xeerarka dalka.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan si weyn ugu mahad celinayaa bulsho weynta reer Somaliland meel kastoo ay joogaan.

Bulshadu waxay na tustay Qaboow, waxay na tustay soo dhawayn, waxay na tuseen wada shaqayn, iyo in ay fikrado wanaagsan na siiyeen.

Waxqabad badan, iyo hawlo aanu qabanay oo aanu maanta ku faano, waxay ka soo maaxatay Maskaxda hooyooyin dhul baadiye ah ku nool”.


Geesta kale wasiirka cusub ee wasaaradda Dastuurka, iyo Xidhiidhka goleyaasha JSL C/naasir Buuni, ayaa si weyn u amaanay wasiirkii hore ee wasaaradaasi oo ku tilmaamay inuu wax qabad badan sameeyay.

Wasiir Buuni, ayaa tilmaamay in mudadda uu xilka wasaaradda hayo inuu wasaarada ku hogaamin doono qorsheyaal iyo hiigsiyo u diyaarsan.

Waxaanu yidhi “Wasaaradda Dastuurku maanta waxay dalka ku dhex leedahay meeqaam aad u sareeya, waxaana gaadhsiiyay wasiir Maxamed Xaaji Aadan.

Aniga himiladda iyo hiigsiga aan leeyahay waxay tahay in ay jiraan waxyaabo badan oo aan doonayo in aan ku hogaamiyo wasaaradani”.

C/naasir Buuni, waxa kaloo uu sharaxay hawlaha ama shaqadda ay wasaarada Dastuurku qaranka ugu xil saaran tahay, iyo sidii loo bedeli lahaa xeerarka gaboobay ee laga dhaxlay Soomaaliya.

“Wasaaradani waxay u xil saaran tahay isku xidhka, iyo wada shaqaynta goleyaasha fulinta, iyo sharci dejinta ee golaha Wakiiladda, iyo golaha Guurtidda.

Diyaarinta qorshe qaran oo dib u eegis loogu samaynayo dastuurka dalkan jamhuuriyadda Somaliland.

Bedelaadda shuruucda, iyo xeerarkii laga dhaxlay dawladii Soomaaliya ee dhaqan galka ka noqday, lagu na bedello xeerar ay JSL leedahay” ayuu yidhi wasiir Buuni.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here