Boorama Go,doon Bay Ku Jirtay Xukuumada Siilaanyo Horteed

0
1019

Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland waxaana  ku taalada jaamacada  Camuud  oo kamida jaamacaha waa weyn ee uu leeyahay dalkani Somaliland, boorama waxaa kasoo jeeday Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin kasoo dalka xukumaayey 8-sanadood dadka reer boorama waxay sheegeen inaan  wax horumar ah aanay xukuumadii daahir riyaale ka fulin gobolkooda aadna u dayacday.

Booqasho gaaban aan ku tagay Gobolka Awda gaar ahaan magaalo Madaxdiisa boorama ayaan la sheekaystay dadka kala duwan ee ku dhaqanhalkaasi waxaanan iska waraysaysanay horumarka Gobolka iyo sida ay wax u socdaan, waxay aad ugu mahad celiyeen Dawlada maanta jirta uu hogaamiyo Madaxweyne siilaanyo kuna tilmaameen inay tahay xukuumadii ugu horumarka iyo wax qabadka badnayd  ee dalka soo marta.

Dadka reer boorama waxay iisheegeen  inaan boorama  lahayn wado loo soo maro  marka lagu socdo caasimadana ay dadku la kulmi jireen jid rafaadsan oo burbursan islamarkaana ay wakhti badan qaadan jirtay xiliga  loo safraayo caasimada,  bals hada laga bilaabo degamda dila ilaa boorama xukuumada madaxweyne siilaanyo ka hor gelisay jid   laamiya kaasi oo fududeeyey isu socodka caasimada iyo boorama, marka loo dhaadhaco  gudaha magaalada boorama waxay ka aradnayd wadooyinka laamigaa ee dhex mara magaalada marka laga reebo  jid laamiya oo dhex mara magaalada kaasi oo isna dayacnaa, Waxay xukuumada siilaanyo ka hir gelisay laamiyo badan gudaha boorama, islamarkaana waxay taasi saamaxday inay isku xidhmaan xaafadaha magaaladu oo dhib weyni ka haysatay wado  la,aan.

Wakhtigaasi boorama loo sameeyey wadooyinka  waxay dadka reer boorama barteen baabuurta yar yare e loo yaqaan nooca raaxada kuwaasi oo kusoo batay magaalada, waxay dadka reer boorama qireen inay boorama go,don ku jirtay siilaanyo hortii kana aradnayd adeegyada  bulshada ee kala duwan, waxaana xukuumada uga mahad celiyeen horumarkay ka samaysay Awdal iyadoo sheegay inay abaal u hayaan dawlada maanta jirta

Cali Xasan

Calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here