Booliska Masar oo toogasho ku dilay 123 xubnood oo Ikhwaanul Muslimiin ka tirsan iyo xaaladda ammaan ee dalkaas oo faraha ka sii baxaysa

0
1038

Qahira (HargeisaPress) — Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee waddanka Masar, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay sameeyaan kacdoon lagaga soo horjeedo dawladda millatari ee dalkaas, kadib markii ciidanka boolisku toogasho ku dileen 13 xubnood oo ka mid ah ururkaas.

Qoraal ka soo baxay masuuliyiinta sare ee Ikhwaanul Muslimiin, ayaa lagu sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin khatar ah oo lagaga soo horjeedo xukunka millatari ee waddanka Masar oo uu hoggaamiyo madaxweyne Abdul Fatah Al-sisi.

Ikhwaanul Muslimiin55

Ciidanka booliska Masar, ayaa weerar ku qaaday goob ku taal magaalada Qaahra o ay ku sugnaayeen taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin, kuwaasoo ka arrinsanayey sidii dhaqaale loogu samayn lahaa qoysaska eheladoodu ku xidhan yihiin jeelasha Masar, iyadoo halkaas boolisku ku toogteen 13 qof oo rayid ah.

“Dilka loo gaystay taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin waa tallaabo halisteeda ah oo abuuraysa xaalad halis ah, waxaanna masuuliyadda qaadi doona dambiilaha Abdel Fattah el-SISI (madaxweynaha Masar), waxayna taasi keeni kartaa cawaaqib xumo weyn.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo lagu faafiyey telefishanka Al-jazeera oo wargeyska HargeisaPress soo xigtay.

Waxa kaloo taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin loogu baaqay inay sameeyaan kacdoon iyo isu soo baxyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo dawladda millari ee dalka Masar, waxaanna qoraalkaas lagu yidhi; “Isku soo baxa oo sameeya kacdoono lagu difaacayo dalkiina hooyo, noloshiina iyo ubadkiina, xasuuqa la gaystayna waa mid fool xun oo ka dhacay dalka Masar, waana in xukunka laga tuuro dillaaga gacan-ku-dhiiglaha ah (madaxweynaha Masar) oo la dumiyo qalcadaha dulmiga, caddaalad-darrada iyo digtaytarnimada, isla markaana dib loo soo celiyo sharafta Masar mar labaad.”

kkjjl

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar, ayaa sheegay in xubnaha Ikhwaanul Muslimiin ee la dilay ahaayeen rag dambiileyaal ah oo abaabulayey weeraro lagu qaado xarumaha ciidanka millatariga, booliska iyo warbaahinta ee waddanka Masar, isagoo xusay in halka weerarku ka dhacay laga helay hub badan, lacag iyo dukumantiyo sir ah.

Hasayeeshee, Ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa arrintaas beeniyey, waxayna sheegeen in xubno rayid ah oo ururkooda ka tirsan loo gaystay xasuuq, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka dawladdu faafisay ee la xidhiidha inay qorshaynayeen weerar ka dhan ah ammaanka Masar.

Dhinaca kale, ammaanka Masar, ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, iyadoo degaanka la yidhaa Sinai ee dalkaas uu ka aasaasmay urur xidhiidh la leh kooxda sheegatay dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS), si joogto ahna uga fuliya weerarro culus, iyadoo weerarkii u dambeeyey halkaas ka dhacay toddobaadkan, laguna dilay in ka badan 35 askari oo millatariga Masar ah, waxaanna isla toddobaadkan la khaarajiyey Xeer-ilaaliyihii guud ee dalka Masar.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here