Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Buuhoodle iyo Degaamadda Ku Xeeran

0
946

Buuhoodle (Hargeisa Press.com):  Biyo la’aan saamaysay dadka iyo duunyaddaba ayaa laga soo sheegayaa Buuhoodle iyo degaamadda ku xeeran.

Kadib markii ay  xumaadeen ama  ay fadhiisteen laba Ceel-biyood oo dadka iyo duunyaduba ka cabbi jireen.

Labadan Riig-biyood oo midkood dhanka Bari ka xigo magaaladda Buuhoodle, mid-na uu ku yaallo degaanka Xadhadhan oo qiyaastii 21KM dhinaca galbeed ka xiga  Buuhoodle ayaa fadhiistay.

Taasina waxay keentay in xaalad culus oo biyo la’aaneed ay soo food saartay dadka iyo duunyadda ku nool degaamadda gobolka Buuhoodle.

Qaar ka mida odayaasha degaamadda  labada Riig-biyood ku yaalleen ayaa ka hadlay dhibaatada ay ku hayso biyo la’aantu kadib markii ay xumaadeen Ceelashii ay ka cabbi jireen.

Waxaanay sheegeen in dhibaato weyn oo biyo la’aaneed ay soo waajahday kadib markii ay labaddii Riig ka fadhiisteen.

Iyagoo xukuumadda iyo hay’adahaba ugu baaqeen in laga caawiyo sidii dib loogu hagaajin lahaa ceelashaasi.

“Riiggii biyaha ee ka taagnaa gobolka Buuhoodle oo la odhan karo wuxuu ahaa Riiggii lagu degganaa, ee Hawdka oo dhami ka cabbi jireen,  dad iyo Duunyaba, waxyeeladiisu (Markii uu fadhiistay) dhibaato weyn oo biyo  la’aaneed ayuu keenay.

Imika-na wuu fadhiyaa. Sidaasi darteed,  waxaanu dawladda iyo hay’adaha leenahay,  waanu ku dhibaatoonay Riiggan, ee waxaanu ka codsanaynaa in la naga caawiyo hagaajintiisa”sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ahaa odayaasha degaankaasi oo maanta warbaahinta la hadlay.

Mid kale oo ka mid ah Odayaasha baaqa diray ayaa yidhi “Waxa kaloo naga xumaaday Riiggii degaanka Xadhadhanka.

Markaa waxaanu ka codsanaynaa  xukuumadda iyo hay’aduhu inay naga caawiyaan sidii loo hagaajin lahaa. Waayo? Ceelkaa Sanad iyo badh lagama cabbin”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here