Biyo-balaadhinta Magaaladda Berbera Oo Gebagebo Maraysa

0
956

Berbera (HP): Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gebogabo ah marayso hawsha qodista ceelal biyood iyo  biyo-balaadhinta  magaaladda Berbera.

Maxamed Muuse Diiriye, oo ku sugan magaaladda Berbera oo uu hawlo shaqo u jooga oo maanta la hadlay warbaahinta.

Ayaa u jeedadda socdaalka uu ku joogo Berbera  ku tilmaamay sidii uu u kormeeri lahaa qodista Ceel-biyood oo  ka socda gobolka Saaxil iyo sidoo kale goobaha biyuhu uga yimaadaan magaaladda Berbera.

Waxa  uu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii guud ahaanba bulshadda Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan.

Waxa kaloo uu xusay in xataa deegaamadda dhinaca Hawdka ee ay ka qodi doonaan dhawaan ceelal biyood inta u dhaxaysa Cadaroosh oo ka tirsan gobolka Maroodijeex ilaa Dharkayn Geenyo oo Buuhoodle ka tirsan.

Daawo Wasiirka Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here