Masuuliyiinta Dalladda SONYO Iyo Hambalyada Munaasibadda Ciidda Carrafo (Ciidal Adxa)

0
837

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan isu-duwayaasha SONYO, oo Ku Hadlaya Dhammaan Shaqaalaha SONYO, Masuuliyiinta Ururada dhallinyarada Somaliland, Dhammaan Ardayda Dugsiyada Iyo Jaamacadaha Dalka iyo Guud ahaan Dhallinyarada reer Somaliland Gudo iyo Dibadba waxa ay Hambalyo iyo Bogaadinta Munaasibadda Ciidal Adxa Hawada u marinayaan dhammaan Shacabka reer Somaliland, Masuuliyiinta Qaranka iyo Guud ahaan Dhallinyarada Somaliland iyaga oo ku hambalyeynaya Munaasabadda Ciidda Carrafo. Guddoomiyaha iyo Guud ahaan Masuuliyiinta SONYO waxa ay dalka iyo dadkaba ugu ducaynayaan in uu sannadka sannadkiisa innagu gaaadhsiiyo Cibaado suubban iyo camal wanaagsan, Horumar Qaranimo, guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland-na bash bash iyo barwaaqo tii ku gaadha Himilooyinkeeda qaranimo.

Aaaamiin…Aaaaaamiin..Hambalyo …Hambalyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here