Gobollada Somaliland oo si weyn loogu Dabaal-dagay Ciida Caraf + SAWIRRO

0
927

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dunidda islaamka, gaar ahaan shacabka Somaliland, ayaa maanta gudatay waajibaadkii CIidal Arafo oo dunidda islaamka si weyn looga xuso.

 

Saaka subaxii hore ayaa dadweynuhu u dareereen salaadda Ciidda ee labadda ragcadood, ka dib dadweynaha oo sida moojadaha iskaga daba socda usoo dareereen goobaha dalxiiska iyo meelaha nagu nasto, waxaanay dadweynuhu iskugu jireen dad lugta isticmaalayey iyo kuwo gaadiidka ku sita caruurtooddii.

kjh

Dadweynaha ayaa isku salaamayey ciid wanaagsan iyo macal ciideen, waxaanay ahaayeen dad wejiyadoodda laga dareemayey farxad iyo bashbash, kuwaas oo ku labisnaa dharkii ugu quruxda badnaa,isla markaana waxa iyaguna xusid mudan in caruurta oo ku ciyaaraysa qalabka caruurta aad ku arkaysay goobaha macmaanka lagu iibiyo iyo hoteeladda.

HJ

Gobollada waxaa kala Qayb-galay ciidda xubno wasiiro ah, iyadoo wasiir walba uu la oo ciideebay deegaankiisa, halka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuna laba goobood oo dadweynuhu ku badan yihiin kula ciidday dadweynaha.

kjjj]

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbadii Ciidda hadal kooban usoo jeediyey ayaa yidhi. “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.

HHH

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Caasimada ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here