Berberi waa Iib!

0
1226

Majecli inaan maanta hadal badan idin idhaa , waxaa kaliya oo aan idin xasuusin lahaa dhacdooyin intiina badani aad ka warqabtaan iyo guubaabo guud oo aan idinku boorin lahaa taas oo wakhtigan lagama maarmaan ah in waxa socda ficil lagaga hortago oo qalinka dhulka la dhigo maadaama oo in badan dhacdooyinka foosha xun ee casaabada madaxtooyadu dalka iyo dadka gayeysiiyeen lasoo bandhigay oo ay dhag u dhigi waayeen taas ayaa iga keentay in maanta badbaadinta karaamada qaranka iyo khayraadkiisa la xaalufiyey ficil lagaga gilgishaa. Bal aynu maata soo qaadano magaalo xeebeedka Berbera ee Gobolka saaxil iyo lixdii sanno iyo dheeraadka ee cimriga Xukuumadan siilaanyo siday u dhaxal wareejisay hal-bowlayaasheedii dhaqaale oo ay lacag adag oo ay baananka dunida ku shubteen ugu badelatay halka dadkeedii kunoolaa magaaladaa berberina  ay ku dhex macaluulayaan. Bal ila milicsada tirada goobaha halbowlayaasha ahaa ee Maamulka Silaanyo iibsaday inta aan ka xasuusto : Warshadii Shamiitadii , Nec fish,Warshadii korontadii, Haamihii shidaalka, Ceel-garde iyo Dekedii caalamiga ahayd oo ah taa manta loo wada jeedo .laba libood may jirin Xukuumada siilaanyo markii ay hujuumeen goobtii u horeysay xarumahaa dhaqaale ee sare ku xusan ee ay xaraasheen. Waxaad moodaaba in muddo dheer laga fikirayey dhacdooyinkaa Berbera ka dhacay ,  waayo gobolkaa waxa ka dhacay iyo sida loogu tashaday ayaa mararka qaar aad is odhan kartaa colaad huursan iyo ciil horaa jiray!

 

Waxa kale oo jiray isku dayo tiro badan oo fashilmay sida qorshihii gaadiidka soo degaaya lacagta looga qaadayey ee mashruucii Morgan lahaa kadibna  ay Baarlamaanku ganafka ku dhufteen;  Miyaad ogtihiin Bedelkii kale ee Morgan loo habeeyey markii taa baarlamaanku ka diiday?  Waa mishiin yar oo layidhi waxaa lagu hubinayaa patrol ka haamaha shidaalka berbera oo ganacsatada lacag lagaga qaado malaayiin doolar kasoo xeroodaan !

 

Gabagabdii; waxaan soo jeedin lahaa maanta waxaa hadhay oo kaliya inay IIBIYAAN MAGAALADII Berbera ( oo waxay leeyihiin Berberi waa Iib! Kudladan dalka maamusha ee aan loo dooran, dalkiina xaalufiyey gaar ahaan magaaladii BERBERA. Waxaan maqlaayey BAARLAMAANKA ayaa la horgeynayaa tan ugu dambeysay EE dekeda lagu iibiyey, baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in wanaagsan oo muwaadiniina ayaa ka mid ah ee inay is hortaagaan , waxaanse ka baqayaa in intooda badan ay noqdaan sidii mashruucii SOMCABLE . maalin baan nin aanu asxaabnahay wada xidhiidhnay waxaana uu ii sheegay in uu mashquul ku yahay qaybinta lacago xildhibaanada golayaasha loogu talo galay si ay u ansixiyaan mashruucii fashilmay ee SOMCABLE. Waxaan weydiiyey maxaa xildhibaankiiba lasiinayey? Waxa uu iigu jawaabay “ ILLAA $5000 dollar”  shan kun ayaa dalkii lagu iibsanayaa ! dee manta oo ay shandadaha kusoo sitaa 15 million maxaynu ka filan karnaa barnaamijka loo dajin doono ansixinta Musuqan madaxtooyadu walaaqanayso. Waxaa kale oo isweydiinteeda leh goormaa la baabiiyey Wasaaradii Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland illeen waatan aan ka dhex muuqan waxay inoogu sheegeen maalgashi iyo masuuliyadii ay u taagnayde….!!!

 

Waxaan ku boorinayaa shacabka  Somaliland guud ahaa inay ka dhiidhiyaan dhacdadan lagu iibsaday Dekedii kaliya ee dalku lahaa, sigaarana  shanta kun ee shaqaalaha dekeda  ee dibeda loo tuuri doono iyo kumanaanka gidaarada ku daran yeysan inay heegan galaan. Kolay waan dareemayaa cida boobkan baahsan u badheedhay waa kuwa aan rajo dambe kala hayn in la doorto oo cimriga u hadhsanba lix bilood iyo waxaan ka badnay weeyi, cidase lagu xumaynayaa waa cida hanka leh iyo musharaxiinta xisbiga kulmiye.

 

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here