Beesha Caalamka oo Baaq U Diray Dowlada Soomaaliya, Al-shabaab iyo Maamul Goboleedyada

0
1196

Muqdisho (Hargeisa Press)– Wadamada Beesha Caalamka ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, iyagoona dalab muhiim ah ugu jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka ay soo saareen beesha caalamku ayay ugu horeyn dowladda Soomaaliya waxay ku bogaadiyeen dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka.

“Waxaan ognahay in faafista coronavirus uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamku ay soo saareen.

Waxaa ay intaa ku dareen in baaqii ka soo baxay xogahayaha guud ee QM ee dalbanayay xabad joojin dunida oo dhan ah. Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in looga baahan yahay dhammaan kooxaha ku lug leh colaadda Soomaaliya in ay joojiyaan rabshadaha.

“Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaadho kuwa u baahan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa ku baaqday in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka coronavirus ee Soomaaliya.

Waxaa ay soo jeediyeen in lagu dhammeeyo khilaafaadka jira qaab midnimo ah islamarkaana ay haddii laga fursan waayo in kulamada dowladda Soomaaliya kuwa maamulada gobollada iyo shirarka baarlamaankaba ay noqdaan kuwa qaab digital ah loo qabto.

Ugu danbeyntii, beesha caalamka ayaa qoraalkooda ku sheegay in xilligan adag ee cudurka coronavirus uu bulshada caalamka culaysyo badan ku keenay ay tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo milkiilayaasha dhulka ay barakaceyaashu deggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here