Badhasaabka Togdheer Oo Iska Difaacay Eedo Uu Xisbiga Waddani U Jeediyay Isaga

0
986

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi,  ayaa si kulul uga jawaabay dhaliilo ka soo yeedhay   xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Waxaanu  waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay  in isaga dibadda looga saaray shir uu madaxweynaha Somaliland la lahaa waxgaradka gobolka Togdheer, dhawaan markii uu booqashadda ku joogay gobolka Togdheer.

Badhasaabka Togdheer ayaa   xisbiyadda mucaaridka u jeediyay  in mucaaridnimadoodu ay noqoto mid runta ka dhab sheegeysa, isla markaana ay ka fogaadaan wararka  been abuurka ah ee ummadda kala fogaynaya.

Xamse Maxamed Cabdi,   oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa isagoo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Waddanku wuxuu leeyahay xisbiyo mucaarid ah, waxaana wanaagsan in mucaaridadu ay ku salaysnaato run, waxaana loo baahan yahay in aanay barnaamijyadiisu noqonin been abuur.

Qofku  marka uu xisbi yahan yahay, ee uu waliba yahay masuul xisbi waxaa uu xukuumadda ku eedeynayaa ha noqoto wax run ah.  waana  inay yihiin wax macquula oo wax looga qaadan karo”.

Geesta kale gudoomiyaha gobolka Togdheer  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in madaxweyne Biixi uu dibadda uga saaray shirar uu la lahaa waxgaradka gobolka Togdheer.

“Guddoomiyaha gobolku waa xubinta ugu sarreysa gobolka, madaxweynaha ayaa u soo igmaday oo madaxweynaha ayuu ka wakiil yahay, in illaa xadkaas madaxweynaha laga been abuura waa wax aanu aad iyo aad uga xunahay.

Meel  ay arrintaasi ka dhacday na  ma jirto,  waana been”ayuu yidhi Xamse Maxamed Cabdi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here