Badhasaabka Sool oo Safar Shaqo Ku Tegay Degmadda Tukaraq

0
867

Tukaraq (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa safar shaqo ku soo maray degmadda Tukaraq ee gobolka Sool.

Badhasaabka Sool oo dadweynaha Tukaraq la hadlay, ayaa u balan qaaday in haayadaha ka hawl gala gobolku ay u imanayaan.

Waxaana bulshadda Tukaraq ka codsaday im ay maamulka gobolka iyo haayadaha dawladda la shaqeeyaan, isla markaana ay helayaan waxa ay xaqa u leeyihiin.

Safarkaasi uu badhasaabku ku tegay degaanka Tukaraq ayuu ku tilmaamay mid xog agaal u noqosho ah oo uu ku soo qiimaynayay xaaladda degaankaasi.

Waxana safarkaasi ku wehelinayay maayar ku-xigeenka degmada Laascaanood, Taliyaha Qaybta booliska gobolka Sool iyo qaar kamida mudanayaasha golaha deegaanka degmada Lascaanood.

Weftiga badhasaabku markii ay gaadheen eegaanka Tukaraq waxay soo kormeereen Ceelka ay Biyaha ka helaan degmadu.

Kaasi oo muhiimad balaadhan u leh deegaanka maadaama xiligan lagu jiro xaalad abaareed.

Geesta kale, badhasaabka iyo xubnaha la socday ayaa kulamo la qaaty waxgaradka iyo waayeelka deegaankaasi kuwaasi oo aanu warbixino ka dhagaysanay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here