Badhasaabka Gobolka Sool oo Kormeeray Hab-sami U Socodka Tababarka Mashruuca JPLG

0
763

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool ayaa kormeer ku soo maray xarunta dawladda hoose ee Laascaanood oo uu ka socdo tababarka shaqaalaha loo diyaarinayo mashruuca JPLG horumarinta oo dhawaan magaaladaasi laga bilaabayo.

Waxaanu badhasaabku soo indha-indheeyay hab-sami u socodka dhalinayradda la doonayo I ay ka shaqeeyaan mashruuca horumarinta dawladaha hoose oo la qorsheeyay in uu horaanta sanadkan ka bilaabo Laascaanood.

 

Tababarkaasi oo socda muddo 12 maalmood ah, ayaa markii badhasaabku gaadhay hoolka uu tababarku ka socdo waxaa halkaasi joogay maayarka Laascaanood iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Laascaanood.

 

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa kula dar-daarmay golaha degaanka Laascaanood, shaqaalaha loo tababarayo mashruuca JPLG in ay mudadda loogu tallo galay kaga faa’iidaystaan tababarkaasi, isla markaana bulshadda uga faa’iideeyaan.

Si bulshadda degaankaasi ay u gaadhaan horumarka la qorsheeyay in laga fuliyo degaamadda gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

 

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo badhasaabka faahfaahin ka siiyay sida hawluhu u socdaan ayaa balan qaaday in tababarkaasi loo fulin doono sida ugu wanaagsan, si mashruucaasi hirgelintiisa ay uga shaqeeyaan sida ugu wanaagsan.

Waxaanu sheegay maayarku in hawshaasi I wanaagsan u qabsoomi doonto isagoo kaashanaya xildhibaanadda golaha degaanka Laascaanood iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Laascaanood gaar ahaana kuwa tababarku u socdo.

Dhinaca kale, masharuuca JPLG ayaa noqoya mashruucii ugu weynaa ee laga fuliyo magaaladda Laascaanood, iyadoo Laascaanood kaalmaha hore kaga jirta degmooyinka la qorsheeyay in sanadkan 2020-ka laga fuliyo masharuucaasi.

Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here