Badhasaabka Gabiley Oo Magacaabay Guddiga Xuska 18-ka May Ee Heer Gobol

0
496

Gabiley (HP): Gddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa magacaabay xubnaha guddiga qaban qaabadda xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May, ee gobolka Gabiley.

Waxaana guud ahaan ba gobolka Gabiley ahaa si weyn loogu diyaar garoobayaa Xuska sannad guurada 32-aad ee maalinta qaranimadda JSL ee18 May.


Kulan war baahineed lagu shaacinayay xubnaha guddiga qaban qaabadda 18ka May, waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Gabiley, xubno ka mida golaha deegaanka Gabiley, iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horrayn hanbalyo horudhaca u diray guud ahaan ummadda Somaliland gaar ahaana reer Gabiley, guddo iyo dibad-ba.


Waxaan kaloo uu badhasaabku faray qaybaha maamulada degmooyinka gobolka Gabiley iyo dhammaan shacab-weynaha gobolkaasi inay u diyaar garoobaan xuska iyo karraamaynta maalintan qaran ee 18ka May.

DAAWO: Badhasaabka Gabiley oo magacaabay gudiga xuska 18 May:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here