Baarlamaanka Ingiriiska Oo Laga Hor Akhriyey Cabasho Xukuumadda Somaliland U Gudbisay Iyo Nuxurka Cabashada Somaliland Gudbisay

0
1224
Mr Stephen Doughty

Hargeysa,(HargeisaPress) —Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa loo gudbiyey isla markaana laga hor akhriyey cabasho dawlada Somaliland  ka gudbisay xukuumadda Ingiriiska.

Mr Stephen Doughty oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska si wayna u taageera madaxbanaanida iyo qaddiyadda Somaliland ayaa shaaciyey inuu gaadhsiiyey xukuumadda Ingitiiska cabasho ay isaga soo dhex marisay dawlada Somaliland.

Mr Doughty oo bartiisa Twitter-ka  ku baahiyey fariin uu kaga hadlayey arrinkan ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Waan ka sheegay baarlamaanka Ingiriiska cabasho xukuumadda  Soaliland iigu soo gudbiyeen wer-werkooda ah in mucaawimooyinka  abaaruhu gaadhaan dadkii u baahnaa”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in cabashada Somaliland ka qabto arrimahaas ay baadhi doonto Hay’adda DFID ee ingiriiska u qaabilsan mucaawimooyinka  waxaana uu yidhi

“Hay’addaas ayaa baadhi doonta DFID cabashada Somaliland”

Xildhibaan Stephen ayaa intaa raaciyey in hadalkii uu ka jeediyey baarlamaanka Ingiriiska uu ku amaanay talaabada ay qaadhaanka dhaqaale ugu ururiyaan jaaliyadaha Somaliland ee deggan magaalada Cardiff dadkooda abaaruhu saameeyeen.

Xildhibaan Stepehn Doughty ma caddaynin maaca masuulka ka tirsan xukuumadda Somaliland ee gaadhsiiyey fariintan cabashada ah ee uu ka akhriyey baarlamaanka dalka Ingiriiska iyo cidda bixisay mucaawimada uu sheegay in Somaliland ay wer-wer ka qabto in ciddii u baahnayd ay gaadhay,Balse dhamaadka Bishii ay soo dhaafnay ee Febarwari ayaa xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee dalkaasi Ingiriiska Priti Patel uu ku dhawaaqay in dawlada Ingiriiska ay 125 Milyan oo Dollar ugu deeqday dalka Somaliya oo dabcan ay Somaliland ku jirto.

Dhanka kale cabashadan ayaa kusoo beegmaysa dedaalo ay jaaliyadaha Somaliland ee dibaduhu ku dalbanayaan in Somaliland gaarkeeda loo siiyo deeqaha gurmadka loogu talo galay Somaliland ee la doonayo in lagu samata bixiyo dadka ay abaartu caydhaysay ee ku dhaqan deegaanada gobolada Bariga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here