Axmed Shide Oo Loo Magacaabay Wasiirka Maaliyada Itoobiya

0
1214

ADDIS ABABA , (HargeisaPress) – Axmed Shide oo horay u ahaa wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyada Itoobiya, waxaana uu xilka ka badalayaa oo horay u hayay Abraham Tekeste.

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale magacaabay 20 Wasiir , waxaana ka mid ah golahan cusub 9 haween ah, iyadoo markii ugu horeysay qof dumar ah loo magacaabay wasiirka difaaca Itoobiya oo loo magacaabay Casha Mahomed.

Waa tiradii ugu badneyd oo ay haweenka ka helaan golaha wasiirradda Itoobiya, golaha wasiirradda ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarradda Nabada oo loo magacaabay in uu noqdo Mrs Mulietat Kamil, waana wasaarrad ku cusub golaha xukuumadda Itoobiya.

Tirada haweenka ayaa marka la eego waxaa la oran karaa waa ku dhawaad kala bar guud ahaan golaha wasiirradda  lagu dhawaaqay.

Golaha Wakiillada ayaa ansixiyay dhammaan magacaabidda golaha Wasiiradda cusub, is badalkanna waxaa uu imanayaa xili uu dalka uu wajahayo qalalaase siyaasadeed meelaha qaar oo ku saleysan qowmiyado.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here