Munaasibad Loo Qabtay Ardayda Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Abaarso Tech

0
693

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa   ka qaybgalay xaflad loo qabtay Arday dhamaysatay waxbarashada heer jaamacadeed oo ka qalin jebiyay Jaamacada Abaarso Tech.

Xafladaas qalin jebinta ayaa maanta lagu qabtay hudheelka Grand Haddi Hotel ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirro, siyaasiyiin iyo aqoon yahano, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Abaarso Tech, waalidiinta ardayda qalin jebinaysay.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay qaar ka mida culimaw-diinka Somaliland, qoreyaal iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu soo casuumay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu u leedahay bini’aadamka iyo sida loogu baahan yahay in dadkeenu ay wax bartaan.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay in mar kastoo ay sii korodho tacliinta sare ee bulshadeenu in ay faa’iido u tahay dalka iyo dadkaba.

Waxaanu ardayda qalin jebisayna kula dar-daarmay in ay sii wataan waxbarashadoodda Master-ka haddii ay u suurto gelayso.

Waxa kaloo isna halkaas hadal ka jeediyay guddoomiyaha jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, waxaanu sheegay in ardaydan qalin jebisay maanta ay dhamaysteen qaybaha kala duwan ee waxbarashadda ay bixiso jaamacadaasi.

Geesta kale intii ay munaasibadaasi socotay waxaa hadalo kala duwan oo la xidhiidha muhiimadda waxbarashadda ka jeediyay siyaasiyiintii, aqoon yahankii iyo culimadii joogay.

Gebagebadii munaasibadaasi ayaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka galay kuliyadaha kala gedisan ee ay ardaydaasi dhamaysteen.

Daawo Sawirro Dheeraad ah:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here