Amnesty International oo Xasan Sheekh Ka Codsatay Dhaqangelinta 10 Qodob

0
783

Muqdisho (Hargeisa Press) – Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International, ayaa ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu xoojiyo tallaabooyinka lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’addu, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ayna qaadin wax tallaabo ah oo lagaga hortaggayo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka isla markaana looga baahan yahay Soomaaliya inay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah.

Amnesty waxay Soomaaliya ugu baaqday inay dhaqangeliso tallaabooyinkan tobanka qodob ah:-

1. Waa inay difaacdo shacabka ku nool deegaannada ay ka taagan yihiin dagaallada.

2. In isbaddal ay ku sameyso nidaamka garsoorka.

3. Waa in la xaqiijiyo caddaallada iyo magdhawga ku aadan tacadiyada ay geystaan ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

4. Waa la qaddariya xoritaul qowlka.

5. Waa in la xaqiiiyo sidii qof kasta uu ku heli lahaa adeegyada caafimaad.

6. Waa in la difaaco barakacayaasha.

7. Waa in la ilaaliyaa xuquuqda carruurta.

8. Waa in la dhowro xuquuqda gabadha iyo haweenka iyo in laga hortaggo kufsiga.

9. Waa in wax laga qabto saameynta isbaddalada cimilada iyo dhibaatooyinka kale.

10. Waa in dowladda ay aasaastaa isla makaana ay howlgelisaa guddiga qaran ee xuquuul insaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here