Amaanka Caasimada Hargeysa Oo Caawa Aad Loo Adkeeyey Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Wadooyinka Lasoo Dhoobay

0
1229

Hargeysa,(HP) —Waxa caawa aad loo adkeeyey amaanka caasimada Hargeysa iyo qaar kamida magaalooyinka kale ee Somaliland.

Waxaana isgoysyada iyo wadooyinka caasimada Hargeysa caawa hal mar uun la arkay ciidamo boolis ah oo tiro badan isla markaana lasoo dhoobay si aada-na u  baadhaya gaadiidka kala duwan ee maraya wadooyinka.

Sidoo kalena ciidamadani waxay baadhayaan gadiidka iyo wadaha ay ka shakiyaan.

Wararka kale ee naga soo gaadhaya magaalooyinka Berbera,Burco waxay sheegayaan in sidoo kalena caawa aad loo adkeeyey amaankooda isla markaana ciidamo ay taagan yihiin jidadka waa wayn iyo isgoysyada gawaadhidu marto.

Gabagabadiina sugida amaanka iyo xasiloonida Somaliland ayaa ah astaanta ciidamada kala duwan ee Somaliland iyaga oo mar kastena heegan ugu jira sidii  ay u adkayn lahaayeen una xoojin lahaayeen amaanka dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here