Alle ha u naxariistee caawa waxa Magaaladda oog ee gobolka saraar lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland

0
792
News

BURCO , (HargeisaPress) —Alle ha u naxariistee waxa la dilay askari ka tirsan ciidamada Militariga Somaliland Marxuum Maxamed Dubbe Maxamuud, ayaa la sheegay in caawa fiidkii lagu dilay degmada Oog ee Gobolka Saraar, isla markaana waxa la sheegay innuu dilay Askari kale oo ka tirsan Ciidanka mililitariga magaalada Oog.

 

Warku wuxuu intaa ku daray in markuumka geeryooday Maxamed Dubbe iyo askariga wax dilay uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, ka dibna askariga wax dilay uu ku dhuftay toori uu sitay, isla markaana uu u geeryooday marxuumkaasi middidii ku dhacday ee uu sitay askariga kale.

 

Sidoo kale, wariyeyaasha nooga soo warama magaalada Oog, ayaa ku soo waramaaya in askarigii wax dilay gacanta ku hayaan ciidamada militariga ee magaalada.

 

Wax war  rasmi ah oo ka soo baxay madaxda ciidamadda booliska ma jiro.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here