Agaasimaha SONYO Oo Booqasho Dhiirrigelin Ah Ugu Tagtay Muwaadin Hargeysa Ku Farsameeyey Diyaarad Helokobtar Ah + SAWIRRO

0
951

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa booqasho ugu tagtay nin dhallinyaro ah oo makaanig ah kaasi oo hindisay in uu sameeyo Diyaarad Helokobtar ah oo uu farsamaynayay muddo ku dhaw ku siddeed sanadood oo wakhtigan gabogabo ku dhaw, dhawaana la filayo in ay hawada gasho.

DA
Agaasimaha Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo hogaaminayay masuuliyiin ka socday xarunta dalladda SONYO ayaa hab dhiirri gelin ah waxa ay shalay gelinkii hore ugu tageen Ninkan dhallinyarada ah ee Makaanigga ah oo lagu magacaabo Siciid Cabdi Ibraahim (Siciid Jiidhe) kaasi oo doonaya in uu ka dhabeeyo hankiisa makaanig ee casriga ah oo uu muddoba ku farsamaynayay diyaarad Helokobtar ah oo uu isagu hindisay isla markaana gacantiisa ku hir gelinayo taasi oo imika inteeda badan dhammaad ah dhawaana la filayo in uu si rasmi ah xadhiga uga jaro. Agaasimaha Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed iyo waftiga uu hogaaminayay ee ninkan dhallinyarada ah booqashada ugu tagay wakhti uu ku guda jiray samaynta diyaaraddan ayaa waxa ay ugu hambalyeeyeen hindisihiisan qiimaha badan iyo sida uu uga dhabaynayo hankiisa farsamo ee gaadhsiisan in uu ikhtiraaco diyaarad Helokopter ah oo noqon doonta haddii uu ku guulaysto diyaaraddii ugu horraysay ee lagu farsanmeeyo waddan ka mid ah dalalka dunida saddexaad oo aan laga filan Karin in fikirkani ka dhasho.

DIYY
Ninkan dhallinyarada ah ee Farsamo yaqaanka ah ayaa si weyn ugu farxay booqashada ay ugu yimaadeen masuuliyiinta SONYO isaga oo sheegay in ay booqashadani u tahay dhiirri gelin iyo in uu dareemayo in dhallinyarada dalkiisu garab taagan yihiin isaga oo sheegay in uu diyaaraddan farsamaynayay muddo ku dhaw 8 sanadood. “Diyaaraddan waxaan soo bilaabay farsamaynteeda 8-dii Bishii 11aad, sannadkii 2006, illaa maalintaasina kolba heer ayay soo maraysay shaqada aanu ku dhisayno diyaaraddani, maantana waxa ay taagan tahay heer gabogabo ah waxaanan shacabka, xukuumadda iyo cid kasta oo arrinkan danaynaysa u soo jeedinayaa in ay gacan nagu siiyaan” Sidaa waxa yidhi Siciid Cabdi Ibraahim oo ka warramayay sida uu hawshan u waday iyo codsi uu shacabka u dirayay.
Dhinaca kale Agaasimaha Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo halkaasi ereyo dardaaran iyo guubaabo ah uga soo jeediyey ninkan makaaniga ah ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta ku soo booqano annaga oo ujeedadayadu tahay sidii aan kuu dhiirri gelin lahayn, kuugu hambalyeyn lahayn dadaalkan qiimaha badan ee aad muujisay iyo sida aad uga dhabaysay aragtida ah in dhallinyarada Somaliland haddii ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan ay wax badan soo saari karaan oo mucjiso ah dalkana horumarkiisa ka qayb qaadan kara. Waxaan ku dadaali doonaan in aan dadaalkaagan meel walba gaadhsiino iyada oo ay waajib nagu tahay in aan garab is taagno dhallinyarada hal-abuurka la timaad ee dalkeena si ay ugu dhiirradaan wax soo saarkooda iyo hindisahooda. Dhammaan dhallinyarada reer Somaliland waxa aan ugu baaqaynaa in ay hal-abuurnimadooda bannaanka keenaan si aynu u noqono ummad wax soo saar leh.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here