Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Biyaha Oo Ka Mahad Celiyey Xilka ,Madaxweynuhu U Magacaabey Iyo Qeybo Bulshada Ah Oo Soo Dhaweeyay

0
1126
Jamal A. Muse

Hargeysa,(HargeisaPress) —Agaasimaha Guud ee Loo Magacaabey Wasaaradda Hurumarinta Biyaha Somaliland Aqoonyahan Jamal A. Muse ayaa,Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga mahad celiyey kadib markii uu kamid noqdey Agaasimyaasha Guud ee uu Shaley Madaxweynuhu u magacaabey Wasaaraddaha Qaranka iyo Hay,adaha Dawllada.

Aqoonyahan Jamal A. Muse,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hurumarinta Biyaha Somaliland Waxa uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyey Xilkaasi uu u igmadey isagoo,balanqaadey in uu Waajibaadkiisa Qaran u gudan doono si daacad ah oo Xilkasnimo iyo aqooni ku dheehan tahey,oo karti iyo Firfircoonaan leh isagoo illaahey ka baryey in uu ku asturo,una fududeeyo hawlaha Qaranka ee horyaala iyo Wasaaradda loo Magacaabey ee Xilkeedu culus yahey maadaama Biyuhu yihiin Halbawlaha Nolosha ee Aadumuhu ka tamariyaan.

Geesta  kale Qeybo badan oo kamid ah Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Shacabka Somaliland ayaa soo dhaweeyay Aqoonyahankan loo Magacaabey Wasaaradda Biyaha Jamaal Axmed Muuse,oo ay ku ogyihiin karti Daacad,Firfircooni,Aqoon iyo Dedaal Dheeraad ah.

AGAASIMAHA OO QORAAL MAHADNAQ SOO DHIGAY BARTIISA FACEBOOKA AYAA U DHIGNA SIDAN

Ugu horreyn, waxaan halkan uga mahadnaqayaa madaxwaynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi oo ii igmaday in aan ahaaddo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha JSL.

Sidoo kale, waxaan aad iyo aad u boggaadinayaa walaalaha sharfan ee ku mideysan magaca Soomaalida Soomaaliland ee magacaabistayda ka dib sidda wayn iigu soo diray hambalyada iyo ducada an kala go’a lahayn.

Runtii, mas’uuliyaddaha qaranka loo qabanayaa waxay u baahan yihiin duco, tusmeyn, tudhaaleyn iyo isku garab gal dheelitiran. Maxaa yeelay, cilmiyan in ka badan 70% culayska jidhka aadmiga ayaa dareere ah “Biyo ka kooban”.

Markay sidaa tahay, waxaan si dhab ah u dareensan nahay in madaxwayne MBC ii gartay in an agaasime guud ka ahaaddo wasaarad “Wasaaradda Horumarinta BiyahaJSL” saameyn ku leh nolosha shacabka Somaliland qiyaastii in ka badan 70%.

Sidaa awgeed, mas’uuliyadda xaddigaa iyo xulayskaa leh ayaa u baahan ducada, dhiirigalinta, talada yo toosintiinna. Ballanteennu waa guul iyo qarannimo.

Waad mahadsan tihiin

Jamal A. Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here