Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo dhambaal Tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum Siciid Maxamed Daahir (Dhawal)

0
991

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye Waxaa halkan Tacsi Tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelka, Qaraabadda, Asxaabta iyo guud ahaanba Dhallinyarada Somaliland, geerida Naxdinta leh ee ALLE ha u Naxariistee Marxuum Siciid Maxamed Daahir Dhawal oo Maanta ku Geeriyooday caasimadda Hargeisa.

 

Marxuum Siciid Maxamed Daahir waxa uu ka mid ahaa Aqoonyahanka kartida iyo garashadda u saaxiibka ah ee dalka u kacaamay. Waxa uu ahaa xubinta keliya ee Dhallinyarada ah ee ka mid ka ah Guddida Tacliinta Sarre ee dalka.

 

Sammir iyo Iimaan Kaamila dhammaanteenba ILAAHAY ha innaga siiyo, Marxuumkana Naxariistii Janno ha ka Waraabiyo…….Aammiin…Aammiin.

 

…………………………………………………………………………….

Agaasimaha Fulinta Dallada SONYO Siciid Maxamed Axmed Oo dhambaal Tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum Siciid Maxamed Daahir (Dhawal)  isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Dallada SONYO.
INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN……
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Ehelkii iyo dhammaan dhallinyaradda iyo qaranka JSL, geeridii ku timid Marxuum Siciid Maxamed Daahir (Dhawal) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa…
ALLE SWT waxaan ka baryayaa inuu tamir iyo iimaan taam ah dhammaanteen inaga wada siiyo, isagana ku gallado NAXARIISTIISA JANNATUL FIRDAWZA.
Aamiin….Aamiin……….Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here