Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Walaaca Ay Ka Qabaan Guurtida iyo Wararkii Ciro Laga Baahiyay

0
1052

Hargeysa, (HargeisaPress) — Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa ka waramay walaaca Xisbigoodu uu ka qabo in guuridu ay mudo kordhin siyaasi ah samayo, waxa ay ka yeelayaan xukuumadda marka ay mudo xileedkeedu uu dhamaado 26-ka Jun iyo warar warbaahintu baahisay oo sheegayay in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani uu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh.

Waxa uu xildhibaanku arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Waaheen, waxaana waraysigaas uu u dhacay sidan.

Waxa jira walaac isa soo taraaya oo laga qabo in guuridu mudo kordhin ka badan intii komishanku soo jeediyay ay sameeyaan, idinku sideed u aragtaan ka xisbi ahaan?

“Wallaac waa uu jiraa oo beesha caalamkuna aad ayay uga walaacsantahay, waana kuwii wafti balaadhan ay yimaadeen dalka oo ay kulan la qaateen sadexda xisbi qaran iyo guuritda iyo wakiilada, waxaanay soo saareen shan qodob oo nuxurkoodu uu tilmaamayo inay guurtida uga digayaan in mudadaas farsamo ee Komishanka aanay siyaasadayn. Guuritidu waa inay ilaaliso dastuurka dalka oo ay raacdo qodobka 83-aad faqradiisa shanaad ayaa qeexaysa sida mudoda loogu kodhin karo xukuumadda, oo ah hadii ay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenku ay arimo nabadgalyo daro dartood ku qabsoomi waydo golaha guuritida ayaa mudo kordhin u samaynaaya iyada oo ay ka doodayaan mudada nabadgalyo daradaas lagaga bixi karo, waxaanu golaha guuritda u sheegaynaa in aanay qodobkaas cuskan karin qaadana karin, dalkana aanay ka jirin nabadgalyo daro, waxaana loo gudbiyay arin farsamo oo ay heshiis ku yihiin Komishanka doorashooyinka iyo sadexda xisbi ee ay doorashada u qabnayaan, anaga oo dalkayaga u tanaasulnay in hadana guurtida iyo xukuumaddu wax anaga iyo shacbiga toona aan qaban inay la yimaadaan waa wax aan la qabli karin, waanu uga digaynaa in mudadaas wax ka duwan ay la yimaadaan walaacaasuna waa uu jiraa.”

Hore waxa jiray go’aamo mucaarad ahaan aad soo saarteen oo sheegayay in aydaan xukuumadda aqoonsanayan hadii 26-ka Jun la gaadho, go’aankaasi halkeebuu ku danbeeyay?

“Xisbiyada mucaaradka ah iyo madashu dib ayay imika isugu imanayaan, waxaana la sugaayay in Komishanku uu wakhtiga doorashada uu soo saaro, markaas go’aan kii hore ee ahaa 26-ka Jun intaan la gaadhin in xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ay miiska soo wada fadhiistaan halkiisii ayuu taagan yahay, waxaanu xukuuamdda u soo jeedinaynaa, waxaanu leenahay madaxweynaha 26-Jun ayuu ku eegyahay mudo xileedkii umaddu kuu dooratay ee ay kuu dhaarisay, waxii ka danbeeya suurto gal maaha in xukuumad wakhtigeedii dhamaaday inay dalka ka taliso, waxaanu leenahay miiska wada hadalka hala soo fadhiisto, in gaabkaas ku dhacay doorashada laga wada tashado ayaanu diyaar u nahay, hadii xukuumaddu ka dhago adaygtona go’aankayagii hore halkiibuu noo taagan yahay.”

Waxa soo baxaayay warar sheegayay in xisbiga waddani hogaankiisu uu la kulmay Xasan Sheekh, ayna jiraan ajandayaal xisbiga u qarsoon, arimahaas maxaad ka leedihiin?

“Arimahaasi waa dacaayad raqiis ah, sida aynu la wada socono Turkiga waxa ka jirtay xaflad dalkaasu qabanaayay oo sanadkasta uu qabto, anaga gudoomiyahayaguna arin caafimaad ayuu u tagay oo u shaqsi ah, wayna isku soo beegantay, hasa yeeshee waxaas la sheegayo wax ka jiraa ma jiraan, wax kulan ah oo isaga iyo Xasan Sheekh dhexmarayna ma jirto, wax dawladaha Turkiga iyo Jabuuti ay isku keneen oo ay dhexdhexaadiyaana ma jirto, wax ajande qarsoon ah oo xisbiga Waddani uu leeyahay oo uu kaga shaqaynaayo sida ay xukuumaddu hadalka u dhigayso midnimada Somaliyana ma jiro.

Arimahaasina waxay noo muujinaynaan in ay tahay arimaha xukuumaduhu markay sii dhacayaan ee kalsoonida shacabka ay lumiyaan waxyaabaha ay ku kacaan weeye,waxa lagu yaqaanaa xukuumadda sii dhacaysa inay dacaayadaha riqiiska ah ku bixiyaan kharash, waxa xukuumaddan ka muuqata oo astaamaha xukuumadaha soo dhacaaya oo ah in warbaahinta qaranka laga aflagaadeeyo xisbiyada qaranka, waxa lagu yaqaanaa xukuumad sii dhacaysa oo tana ka muuqata laaluush bixinta umadda lagu kala jihaynaayo, waxaana xukuumad sii dhacaysa lagu gartaa oo tana ka muuqata qabyaalada qolo qolo iyo kala kaxayanta dadka, ablo ablayn iyo wax u kala sheega dadka, waanay ka muuqataa xukuumadan inay sii foorarto, waxaanu leenahay Axmed Siilaanyo intii uu ka yidhi warbaahinta qaranka ee sida xun loo adeegsanayay barigaas ayaa maanta nagaga filan, waynu ognahay erayadii uu sitacmaalayay, nagu waxba kugu celinmayno ee waa kuu nasiib daro madaxweyne mar hadii waxii aad shalay ka qaylinaysay aad maanta ku dhaqmayo, inaas ayaa ceeb kuugu filan.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here