Afhayeenka Komishanka Doorashada Somaliland Oo Ka Hadlay Cidda Leh Masuuliyadda Dib U Dhaca Doorashada

0
929

Hargeysa, (HargeisaPress) — Afhayeenka komishanka doorashooyinka Qaranka Md Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay in shaqada komishanku habsaantay intii u dhaxaysay labada komishan ee is bedelay,waxaanu tilmaamay inay shaqadan lahaayeen komishankii ka horeeyay ee ay bedeleen.

Afhayeenka Komishanka Somaliland Siciid Cali Muuse oo u waramay Sidiiq M.Burmad oo ka tirsan Hay’adda Freepress Unlimited oo fadhigeedu Hargeysa yahay, ayaa eedda dib u dhaca doorashada dusha u saaray guddigii ka horeeyay .

Afhayeen Siciid Cali Muuse waxa uu sharaxay wakhti xaadirkan waxa ay qabtaan“Hadda waxaanu ku jirnaa qabanqaabadii diwaangalinta,diwaangalinta dadka marka la bilaabayana waxay bilaamaysaa  11julay ilaa 11 November waxa soconaya  diwaangalintii gobolada oo dhan”ayuu yidhi Afhayeen Siciid Cali Muuse.

Afhayeenka komishanka oo ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay diwaangalinaha iyo waxa ay kala yihiin ayaa sheegay “mayanee waa diwaangalintii oo kaliya,ta hore waa qabanqaabadii hadda waxaanu wadnaa kharashaadkii,wacyigalintii ayaanu diyaarinaynaa,qandaraasyadii ayaanu wadnaa,waxaananu waddaynaa ilaa ramadaan soo galayso intaas waa Juun,kadib waxa bilaabanaysa in qofka la diwaangaliyo taasina jullay ayay soconaysaa,bisha 11aad ayaanu soo saaraynaa liiskii dadkii is diwaangaliyay oo hadhaw xaq u yeelanaya inay codeeyaan“ayuu yidhi Afhayeenka komishaka doorashooyinka Somaliland.

Afhayeenka ayaa sharaxay waxa ay qaban doonaan diwaangalinta kadib isagoo sheegay inay doorashada iyo dhammaadka diwaangalinta u dhaxaynayso lix billood“marka diwaangalinta dhammaato waa in lix bilood la sugaa inta doorashadu dhacayso oo sharci baarlamaan ayaa odhanaya waa inay lix bilood u dhaxaysaa maalinta liiska la soo saaro iyo maalinta doorashada”ayuu yidhi Afhayeenka komishanka guddiga doorashooyinka

 

Xildhaanadii bari ayay iska dhigeen,xukuumadii bari ayay iska dhigtay ma dhiniciinaa dib u dhacu ka yimid?

“Sidiiq waa ku sidee annaga naguma dhici,adigu haddii aadan fahmin dadkuna fahmi maayaan”ayuu yidhi Afhayeen Siciid Cali Muuse

Bal aniga I fahansii Siciidoow?

“Waaniga ku fahansiiyay annagu waxba dib umaanan dhigin ,annagu shaqadda tani inay dhammaato komishankii hore ayaa lahaa,afar bilood ayuu dalku bilaa komishan ahaa,hawsha imika maanan bilaabin ilaa maalintii nala doortay”ayuu yidhi Afhayeen Siciid Cali Muuse

Talaabada xigtaa maxay noqonaysaa?

“Miyaannu garanaynaa,illaahay ayaa naga og ,annaga waajibkaygu waa inaan cayino doorashad dabadeedna madaxwaynaha u gudbino annaga taasi shaqadayada maaha” ayuu yidhi Afhayeen Siciid Cali Muuse

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here