Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) Geesi Xukuumada La Jaan Qaaday Mucaaridkana Jeedaliyey

0
875
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Xuseen Aadan Cige Dayr waxaa dhawaan loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ka dib markii uu is casilay afhayeenkii hore ee Madaxtooyadu, magacaabistii Madaxeyne siilaanyo ee afhayeen dayr waxay ahayd  magacaabis uu madaxweyne ku la kaashaday waayo aragnimadiisa iyo khibrada uu leeyahay wuxuuna abaaray  halyey gudan kara xilka afhayeenimo ee Madaxtooyada.

 

Mudo kooban oo afhayeeen dayr ahaa Afhayeenka madaxweynaha  waxaa uu muujiyey dedaal badan karti iyo  misaan siyaasadeed, waxaan dhawr jeer akhristay warsaxaafadeedo uu kasoo saaray qasriga dalka looga arimo kuwaas oo ku qornaa afaf dhawra islamarkaana ay ka muuqato aqoon iyo xeel dheeri aad garanayso sida farxasan ka leh oo loo hanaaniyey  warsaxaafadeedaa kasoo baxa qasriga inay yihiin kuwo isbedel ku yimi oo dedaal badan la geliyey.

 

Ka sakow warsaxaafadeedaa uu soo saaro waxaa jirtay inaan dhawr jeer ka daawaday  Tv-yada iyo Youtube-da kuwaas oo ugu jawaabaayo asxaabta mucaaridkaa markii aan dhuuxay hadaladaasi waxaan yaqiinsaday inuu Xuseen Aadan Cige yahay yahay masuul leh deganaan siyaasadeed hab asluubaysan oo anshax leh u hadla,  cida uu u jawaabanaya ugu jawaaba hadalo geesinimo leh oo turxaan iyo aflagaado ka reeban tahay, waxaan qirayaa inuu inuu yahay afhayeen buuxiyey kaalintiisii looga baahnaa waxaan leeyahay hanbalyo sidaa aad xilkaagii qaranka uga soobaxday usii wad, waxaa hubaala inuu tab iyo xeelad aan hore loo arag uu ku qanciyo mucaaridka iyo bariinsaday cayda maciina biday aflagaadada Madaxweynaha iyo xukuumadiisa,

 

Masuuliyada iyo xilka ku saaran waa mid aad u culus marka aad tahay afhayeenkii Madaxweynaha qaranka taasina waa mid uu masuuliyadeeda iyo is xilqaankeeda uu muujiyey  afhayeenku,  waa halyey  jeedaliyey oo shaabuugeeyey mucaaridka maalinta meel isku qaadaya ee hadba gidaarka isku qaadaya, Mudane Dayr wuxuu ahaa  masuul in badan Xukuumada Madaxweyne Xaaji Axmed Siilaanyo u dhitinaysay balse maanta wuu buuxiyey gaabkaasi guulayso.

 

 

Cali Xasan  

calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here