365 Maxbuus oo Maanta Laga Sii Daayay Xabsiyada Somaliland

0
1907

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta si rasmi ah xabsiyada dalka Somaliland looga sii daayay 365 maxbuus oo ku xukunaa dambiyada fudud.

Taliyaha ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa shaaca ka qaaday in xabsiyada dalka laga sii daayey maxaabiistii uu dhawaan cafiska u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Ugu horayn taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) waxa uu hambalyo u diray ciidanka Asluubta xuska maalinta qaran ee dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland ee 18-may.

Geesta kale, sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) waxa uu sheegay iyagoo fulinaya cafiskii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, u fidiyey maxaabiista ku jira jeelasha dalka ay siidaayeen 365 maxbuus oo ku jira xabsiyada, isla markaana waxa uu hadalo dardaaran ah u jeediyey maxaabiista cafiska loo fidiyey inay ka waantoobaan falalkii ay ku mutaysteen inay maxbis ku galaan.

Wuxuuna taliyaha ciidnka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) uu sheegay in xabsiyada dalku aanay ahayn goobo dadka lagu dhibo, balse ay yihiin goobo dhaqan celineed oo si wanaagasan oo waafaqsan shuruucda dalka iyo siyaasada xukuumaddu ugu talo gashay maxaabista lagula dhaqmo, dadka ka baxaana ay ka mahad sheegtaan ciidanka Asluubta ee u adeega maxaabiista.

Sidoo kale, taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Axmed(fooxle), ayaa soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee hogaannada ciidanka Asluubta, waxana halkaas warbixino ku siiyey hogaanadii iyo saraakiishii uu xafiisyada kula kulmay, wuxuuna kormeer ku tagay xabsiga labaad ee magaalada Hargeysa oo ku yaala deegaanka Haleeya ee bariga caasimada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here