Somaliland oo Si Kulul Uga Hadashay Mucaawinooyin Soomaaliya Gaysay Buuhoodle

0
3023

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta waxaa ay si kulul uga hadashay diyaaraddo mucaawinnooyin ah oo dowladda Soomaaliya geysay magaalada Buuhoodle.

Wasiiirka hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi) ayaa sheegay in ay ka xukuumadd ahaan soo dhaweynayaan caawimo kasta oo dadka deegaanada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee Somaliland, taasi badelkeedana aanay marnaba aqbaleyn in dawlada Faderalka Soomaaliya ay siyaasadeyso deeqaha ay soo gaadhsiineyso deegaanada Somaliland.

Wasiir Qambi ayaa tilmaamay hadii dawlada Faderalka Soomaaliya ay dooneyso inay caawiso shacabka Somaliland ay wixii caawimo ah ugu soo dhiibi laheyd hay’addaha caawimada, hase ahaate deeqdaasi ay soo gaadhsiisay Buuhoodle ay u muuqato mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in dadka reer Buuhoodle la kala dhex dhigo dhibaato aanay wakhtigan qaadi karin.

Sidoo kale, wasiir Qambi waxaa uu daboolka ka qaaday in ay ka soo horjeedsanayaan wax kasta oo ay ku jirto aririmo siyaasadeed arrintaasina ay xukuumadda Somaliland ka yeeli doonto wixii kala gudboon.

“Hadii ay dawlada Faderaalka Soomaaliya ay Buuhoodle wax siinaysay oo waxtareyso oo ay leedahay Buuhoodle ayaa u eeg meel wax la siiyo diyaarada inta ay daawada soo saaraan ayay odhanlahaayeen odayaasha kala dega, laakiin wasiir ayaanu daba dhigeynaa waa wax wax ku lifaaqan yihiin, wixii wax ku lifaaqan yihiin ee siyaasadi ka danbeysana waanu ka soo horjeednaa, wixii naga qabta ayaanu ka yeelaynaa oo aan muran laheyn.

Wixii Buuhoodle soo gaadha Yuhuudna haka soo gaadhe ee ku saabsan wixii waxtar u ah umadda, waa wax loo baahan yahay, waxna aanan ka odhan karin, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ay ku heyso dawlad siyaasadeyneysa waanu is hortaageynaa, waananu ka soo horjeednaa, waxna waanu ka muujineyna”ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland.

Wasiir Qambi ayaa sheegay in deegaanada Buuhoodle iyo kuwa kale ee ku xeeranba ay ka tirsan yihiin Somaliland, xukuumadd ahaana ay deeqo kala duwan gaadhsiiyeen imikana ay gaadhsiin doonaan.

“Buuhoodle waa Somaliland, wacyigelintii xannuunka Covid-19na waa laga sameeyay, hada waxaa la diyaarinayaa gobolada oo dhan barnaamijkii arrinka lagaga caawinlahaa, hab dawo, hab shaybaadh, hab dhaqaale, intaasiba Somaliland waa ay wadda”ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here