Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dil Ka dhacay Magaallada Hargeysa, Ninkii geystay oo Baxsaday & Digniin Ay U Dirtay Cid Kasta Oo Eedaysanaha Garab Siisa

0
1445
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dil ka dhacay magaallada Hargeysa maalintii dorraad kaasi oo uuku naf waayay hal qof mid kalena dhaawac kasoo gaadhay. Dilkan oo sida xukuumaddu sheegtay uu geystay eedaysane guri ugu galay marxuum magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Muuse Weyd isla markaana uu dhaawacay wiil uu dhalay marxuumkani.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dhacdadaas kadib u warramay degelka wararka ee Xogsoormedia oo aanu warkan kasoo xiganay ayaa sheegay in dilkan oo ka dhacay xaafadda Isha-boorama ee Degmada AxmedDhagax ee magaallada Hargeysa  ay xukuumad ahaan ay ka hawl galeensidii loo soo qaban lahaa ninka falka gaystay oo  uu ku tilmaamay in uu Shakaaki yahay, waxaanu intaa ku daray in ay soo qabqabteen qaarkamid ah ehellada eedaysanaha   si loo ilaaliyo nabadgelyada oo aanay shaqaaqadani   u  sabababin dhibaato kale. “Dilkaasi markii uu dhacay ciidanka ammaanku wuu ka hawl  galay waxaanay sameeyeen  hawlgal iyo baadidoon wayn meel kasta oo uu galona Ciidanku kama daba hadhi doonaan, dilkaasin markii uu dhacayna waxaa kale oo ciidanka ammaanku ay falkaa u soo xidheen dhawr qof oo Ehelada eedaysanihii falka geystay ah, dawladda iyo ehelada Qoyska geeridu ku dhacdayna waxay ka wada shaqaynayaan sidii dhibaatadaasi aanay saamayn kale u yeelan ee loo dejin lahaa xaaladda, Ciidankuna kama daba hadhayaan gacan ku dhiiglaha meelkasta oo uu tago.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Waxaanu Wasiirku intaas ku ladhay; “Ninka falka geystay waxaa uu toogasho ku dilay Nin weyn, waxaanu dhaawacay Wiil Marxuumku dhalay, waanu baxsaday waxaanu falkaasi ahaa mid uu geystay Shaqsi  keli ahi oo cid kale xidhiidh la lahayn, Ninka geystayna waxaa la sheegay in uu ahaa Nin shakaaki ah oo shaki uu qabay uun wax ku dilay.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa kale oo uu farriin u diray cid kasta oo gacan ku siisa in uu baxsado gacan ku dhiiglaha falkaa geystay taasoo uu sheegay in ay marar badan dhacdo in dadka qaar ay isku dayaan in ay la baxsadaan qof faldambiyeed weyn geystay oo ay hab qabiil ugu gargaaraan in uu sharciga ka baxsado.

“Marar badan waxaa dhacda in dadka qaar ay isku dayaan in ay caawiyaan qof geystay faldambiyeed aad u weyn oo illaa heer dil gaadhsiisan oo ay sharciga kala baxsadaan waxaan uga digayaa cid kasta oo falkaasi uu ku caddaado oo gacan siiya gacan ku dhiiglaha dilka geystay waxaanu u aqoonsan doonaa cidkasta oo dambiile isku dayda in ay sharciga  kala baxsato in ay dambiile tahay waxaanan bulshada  farayaa in ay gacan ka geystaan soo qabashada cid kasta oo dambi gasha oo uu ugu horreeyo gacan ku dhiiglaha dilkan geystay taasoo ay ku jirto nabad gelyadeenu mana aha in qof dambiile ah  oo naf xaqdarro ku dilay in aynu sharciga kala baxsano oo qabiil iyo wax aan meel inna geynayn aan ku garab istaagno,iyadoo waliba lagu gudo jiro maalmihii ugu khayrka badnaa ee ugu dambeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here