Dalada SONYO Oo Hargeysa Ku Qabatay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Xusayo Maalinta Dhallinyarada Adduunka + SAWIRRO

0
1127

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa Maanta caasimadda Hargeysa si balaadhan loogu dabaal-degay munaasibadda xuska maalinta qaran ee dhallinyarada adduunka oo markii 17-aad laga xusay dunidda, taas oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Daladda dhallinyarada heer qaran ee SONYO.

Munaasibadan oo si qurux baddan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Summer time Green Plaza,waxaana ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Wasiirka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Guddoomiyaha Daladda SONYO, Agaasimaha Dalladda SONYO, Xubnaha sare ee Dalladda SONYO,dhallinyarada aqoonyahanka, ardayda wax ka barata jaamacaddaha iyo dugsiyadda kala duwan, Ururadda dhallinyarada iyo marti sharaf kale.

Ugu horrayn waxa xafladda ka hadashay Sahra-Kiin Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah xubnaha Golaha sare ee SONYO oo ku hadlaysay magaca dalaldda SONYO waxaanay tidhi: “Maanta oo ay ku beegan tahay Xuska Maalinta dhallinyarada adduunka ee 12-ka August oo sannad walba caalamka loo dabbaal dago ayaa ujeedooyinka maalintan qaramada Midoobay ugu aqoonsatay maalinta dhallinyarada waxa ka mid ah maadaama adduunka dhallinyaradu u badan tahay haddana waxa ku xeeran dhibaatooyin fara badan. Si markaasi loogu baraarugsanaado oo wax la isaga waydiiyo ahmiyadda ballaadhan ee ay bulshada u leedahay dhallinyaradu waddan kasta oo dunida jira ayaa maalintan loo sameeyey. Ma aha macnaheedu in hal maalin dhibaatooyinka haysta dhallinyarada lagu xallin karo ama lagaga hadli kari balse waa is baraarujin iyo in laga hadlo xaaladda iyo duruufaha ku gedaaman dhallinyarada. Halku dhigga sannadkan loo qaatay waxa weeyi ‘Save Space for Youth’ waxaana soo hoos galaya arrimo badan oo ah in dhallinyarada loo sameeyo deegaan ku habboon oo nabad-galyo marka laga hadlayo nolosha dhinac walba”.

Dhinaca kale waxa isna madasha hadalo ka soo jeediyey Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland ee SONSAF loo yaqaano Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani waxaanu yidhi: “Marka la leeyahay dhallinyaro macnaheedu ma aha lagama hadlayo caruurnimo. Dhallinyaranimo waxa weeyo oo laga hadlayaa dad waaweyn oo xil saaran yahay oo laga rabo ama ay saaran tahay masuuliyadda qaranku ka rabo. Innagu laakiin marka ay ku nool nahay Afrika waxa uu jecel yahay in uu dhallinyaro ahaado. Waayo Afrika xeerkeeda waxa ku qoran dhallinyaranimada waxa lagaga baxaa 35 jir. Meelaha kale ee dunidana waxa lagaga baxaa 21 jir. Haddii qofku gaadho 15 jir ama 16 jir masuuliyad baa saaran. Maalintaa dambi baa loo qorayaa oo qofku wuu qaan gaadhay qofka Muslimka ah markaa masuuliyad baa saaran. Markaa masuuliyaddaasi intiina halka isoo hor fadhidaa waad gaadheen. Waxaan rabaa masuuliyaddaasi inaad qaadaan”.

Sidoo kale waxa xafladda hadalo qiimo leh ka soo jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Xuseen Ibraahim Buuni waxaanu yidhi: “Waxaan u mahad naqayaa Wasaaradda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO. Awooddiina maanta dhallinyarooy waxa ka mid ah 54-ka Urur dhallinyaro ee SONYO ka kooban tahay ee ay mar dhawayd Sahra-Kiin inoo sheegtay. Ka dhallinyaro ahaan waa in aad la xisaabtantaan 54-kaa dhallinyaro ee SONYO ka kooban tahay. Qorshayaashiina u gudbisaan oo baahiyihiin ka hadlaan. Haddii ay horumarinta noqoto iyo haddii ay gacan siinta noqotaba in aad u gudbisaan kadib iyaguna ay qorshayaashaasi ku darsadaan wixii ay xukuumadduna la qabanaysona ay xukuumaddu la qabato. Wixii hay’adahan innaga caawiya ururradeena maxaliga ahna wax idinkala qabtaan.

Intii Munaasabaddani socotay waxa halkaasi lagu soo ban dhigay dood cilmiyeed lagaga hadlayay caqabadaha haysta dhallinyarada Somaliland iyo sidii looga bixi lahaa. Oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin dhallinyaro ah oo hawshan lafa gur weyn ku sameeyey oo ay ka mid ahaayeen Mudane Barawaani, Sahra Kiin, Ismaaciil Farjar iyo xubno kale. Waxaanay xafladdaasi ku soo dhammaatay si heer sare ah.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here