Xukuumadda Somaliland oo Qurbajoogta Ugu Baaqday Inay Ka-Fogaadaan Cunfiga Ololaha Doorashooyinka

0
1769

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa ugu baaqday qurbajooga inay ka fogaadaan wixii cunfi iyo kala qaybsanaan u horseedaya bulshada ee ka dhallan kara loolanka doorashooyinka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in sannadkan mar kale ay shacabka Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ahi ay muddo ay ka hadhay 171 maalmood ku soo dooran doonaan madaxweyne iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka.

War-saxaafadeedka waxa lagu xusay inuu si dadban iskaga bilaabmay ololihii doorashooyinku, waxaanay wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay caddaysay inay u kuurgal ku sameysay baraha bulshada, islamarkaana ay aragtay inay sii xoogaysanayaan hadallada xanafta leh ee bulshada kala geynaya oo ku soo badanaya  qurbajooga Somaliland.

Waxa kaloo war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xushmaynayso in qof kastaaba xaq u leeyahay xornimo u hadalka, hase yeeshee ay ugu baaqayso qurbajoogga sharafta leh inay xuquuqdooda u cabiraan si xikmad leh.

War-saxafadeedka Wasaaradda, waxa lagu bayaamiyay in doorashooyinku leeyihiin caadifad iyo xamaasad xoog leh, balse ay daruuri tahay in dareennada loo cabiro aragti dheeri, lana xaqiijiyo in dooduhu ku sallaysnaadaan xaqiiqada iyo deganaansho.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay soo jeedisay in laga feejignaado in fursad loo siiyo dadka aan Somaliland u dhallan ay been abuur kaga faafin karaan Somaliland iyo nidaamkeeda doorashada, si ay u kala qaybiyaan shacabka Somaliland.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay sheegtay in la xasuusnaado in caalamku ina daawanayo saaxiib iyo cadowba oo ay tahay inaynu tusno qaan-gaadhnimo iyo hormarka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here