“Marinka Dekedda Berbera Waxay Muhiimad U Leedahay Isku-xidhka Dhaqaalaha Gobolka”

0
615

Jigjiga (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in mashruuca Berbera Corridor uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta midnimada gobolka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sheegay in isticmaalka Waddada Dhaqaalaha Berberi ay sidoo kale muhiimad gaar ah u leedahay dadka deegaanka.

Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shir lagaga arrinsanayay mashruuca dhaqaale ee Waddada Berbera Corridor oo lagu qabtay Jaamacadda Jigjiga.

Mustafe Cagjar ayaa yidhi; “Isticmaalka Waddada Dhaqaalaha Barber waxay muhiim u tahay horumarinta xidhiidhka bulshada iyo is dhaxgalka dadka ee gobolka.”

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Mustafe xusay in mashruuca Berbera Corridor uu faa’ido aad u saraysa u leeyahay adeega Dekadda iyo gaadiidka badda.

Marinka dhaqaalaha Berbera, ayaa la filayaa in uu kor u qaado ganacsiga, iskaashiga dhaqaale iyo xoojinta xidhiidhka shacabka Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa xusid mudan in aqoonyahanno ka kala socda Somaliland iyo Itoobiya ay soo bandhigi doonaan, isla markaana ka wadahadli doonaan faa’iidada Waddada Dhaqaalaha Berbera u leedahay mandaqadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, jidka isku xidha Itoobiya iyo faa’iidooyinka kale ee bulsho.

Kulankan ka xiga, ayaa la qorsheeyay in lagu qaban doono magaalada Hargeysa, sidii ay u sii socon lahayd dooda ku saabsan faa’iidada mashruuca Waddada Dhaqaalaha Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here