Xukuumadda Somaliland Oo Ku Guulaysatay Inay Dib U Soo Ladqabayso Siyaasiga Fu’aad Aadan

0
1023

fuaad-Aadan-cadde-600x4501Hargeysa,(HargeisaPress) —Xukumadda Somaliland, ayaa wada hadal ka dib ku guulaysatay inay dib u soo ladqabayso Lataliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee gobolada bari ee Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo hore uga cadhooday Xukumadda.

Fu’aad Aadan Cadde, oo muddo ku sugnaa Degaanka Xudun ee Gobolka Sool oo uu ka soo jeedo ayaa haatan soo gaadhay Magaalada Burco oo uu ku sugnaan doono ilaa laba habeen sida uu sheegay.

Fu’aad Aadan cadde waxaa soo maslixidiisa kaalin mugle ka gaysto islamarkaana ay Xukumaddu u wakiilatay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye oo isagu ugu tagay Degaanka Xudun ee uu ku sugnaa Mr Fu’aad. Xaglotoosiye ayaa wada hadal ka dib ku qanciyay Fu’aad Aadan cadde inuu dib ugu soo noqdo Somaliland oo uu ku sugnaa ilaa markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland.

Ilaa hadda lama oga waxa Xukumaddu ay ku qancisay ama u balanqaaday Mr Fu’aad Aadan Cadde, hase ahaatee waxa uu hore uga cadhooday Xukumadda oo aan ka tala galin hawlaha ay ka fulinayso degaanada uu ka soo jeedo. Waxa uu hore u sheegay inaan Madaxweyne Siilaanyo wax talo ah ka waydiin gobolada bari ee uu lataliyaha uga yahay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY