Somaliland: War Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ka soo saaray Socdaalkii Nicholas Kay ee Hargeysa

0
1039
Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamed Biixii iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Nicholas Kay
Arrimaha Debedda  Somaliland Maxamed Biixii iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay, ayaa booqasho lagu marti-qaaday ku yimi Somaliland toddobaadkii la soo dhaafay, casuumaddaasoo uu  u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamed Biixii Yoonis.  Sababta marti-qaadka, ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyadda Quruumaha ka dhexysa (UN). Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa  kala hadashay arrimaha horumarinta, baniaadamnimada iyo qodobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland.  Waxay kaloo Wasaarada Arrimaha Debedda ee  Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay laga hadlay, haba yaraatee, in hayadiisu xafiis ka furanayso Somaliland.

Labada geesoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto  socdaallo kale oo ay Nicholas Kay iyo Asxaabtiisa UN ku yimaaddaan Somaliland.  Intii uu Hargeisa joogay, Kay, wuxuu la kulmay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Bari iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.

Nicholas Kay, wuxuu xukuumada Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda ugala shaqaynaayo Somaliland  xagga nabadda iyo horumarinta, iyadoo diiradda la saaraaayo  qodobbada horumarinta iyo ammaanka.

Nicholas Kay iyo wefdigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la carifo lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah

Saciid Cali Muusa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here