Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Kadis Ah Ku Tagay Magaalo Xeebeedka Berbera

0
1239

silaanyoBerbera, HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland ayaa nabad qab ku gaadhay Magaalada Berbera ee xarunta Saaxil ka dib socdaal uu galabnimadii maanta kaga soo kicitimay Hargeysa.

Safarka Madaxweynaha ayaan hore loo sii ogayn islamarkaana aan xukumaddu wax war ah ka soo saarin u jeedadiisa, hase ahaatee Ma jiro War rasmi ah oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay ujeeddada socdaalka kediska ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo galabta ku tegay magaalada Berbera, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka agdhaw Madaxtooyada Somaliland, ayaa HargeisaPress.com u xaqiijiyey in Madaxweynaha oo ay weheliso Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, galabta u kicitimeen magaalada Berbera.

Madaxweynaha ayaan la ogayn mudada uu Berbera ku sugnaan doono iyo hawlaha shakhsi ee uu ka fushan doona berbera, isagoo marar hore safari shakhsi ah ugu tagay Berbera.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here